3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2012
Urur-siyaasadeedkii Shanaad oo Puntland looga dhawaaqay iyo Wakhtigii loo qabtay furashada ururada oo gabagabo ku dhow
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Iyadoo ay xukuumadda Puntland ku howlan tahay taaba gelinta geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo hirgelinta nidaamka axsaabta badan, ayaa waxaa dhowrkii todobaad ee ugu danbeeyey isa soo tarayey tirada urarada siyaasadda ee lagu dhawaaqy.

Urur siyaasadeedkii ugu horeeyey ee Puntland lagaga dhawaaqay waxaa ku bahoobay in ka badan 200 oo mas'uul oo kamid ah xukuumadda xiligan talada haysa, islamarkaana uu ku jiro madaxweyne Faroole, waxaana loo bixiyey magaca HORSEED.

Ururkii midkaas xigey oo isaga loogu wanqalay magaca UGUB, waxaa looga dhawaaqay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana hormuud ka ah gudoomiyihii hore ee gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur Dabeyl.

Dhowr beri kadib furitaanka ururka UGUB waxaa isla magaalada Boosaaso ka furmay ururkii 3-aad, kaasoo uu magaciisu yahay Hor-cad (Horumar iyo Cadaalad), waana urur mucaarid ah sida ay siyaasiyiinta hoggaanka u ahi sheegeen.

Muddo hadda 9 beri laga joogo ayaa waxaa urur-siyaasadeedkii 4aad laga furay magaalada Boosaaso, ururkan ayaa waxaa hogaamiye u ah Dr. Saadiq Eenow oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee caanka ah, waxaana xubno ka ah aqoonyahano kale iyo ganacsato fara badan.

Xalay ayaa ururkii ugu danbeeyey lagaga dhawaaqay magaala madaxda Puntland ee Garoowe ahna xarunta gobolka Nugaal, ururkan oo magaciisu yahay GAHAYR waxaa laga soo gaabiyey (Golaha Aqoonta iyo Horumarinta ee asaaska Yoolka Runta).

Saaxada siyaasadda ee Puntland ayaa xiligan ah mid xamaasadeysan, iyadoo ay muddo 10 beri ahi ka harsan tahay wakhtigii ay horay gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland u shaaciyeen in furashada ururada siyaasaddu ay ku egtahay.

Ururada siyaasadda ee Puntland ayaa ku tartami doona doorashooyinka goleyaasha deegaanka, waxaana 3-da urur ee ugu codadka bataa ay noqon doonaan axsaabta rasmiga ah ee hogaamin doona siyaasadda Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya












Click here
12/21/2012 4:53 PM EST
Jimco, December 21, 2012(HOL): Dowladda Soomaaliya oo sanadkii hore ee 2011 ku gudubtay imtixaanka dhowridda shuruucda xuquuqda aadanaha ayaa waxay si dhab ah u dooneysaa in ay dhaqangeliso shuruucda dhowridda xuquuqda aadanaha, kaasi oo dal kasta oo caalamka guudkiisa ku yaalla la marsiiyo Imtixaan ah sida uu u dhaqangeliyay shuruucda Xuquuqul-Insaanka.

12/21/2012 2:50 PM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa boooqasho labo maalmood qaadanaysa ku maraya Dalka Kenya.

12/21/2012 2:23 PM EST
Jimco, December 21, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa booqasho ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo uu ku tegay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalkaas.

12/21/2012 3:57 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Xildhibannada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda uga furmay kulan socon doonaa saddex maalmood, kaasoo billowday shalay oo Khamiis ahayd.

12/21/2012 3:45 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta u magacaabay Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim, kaddib markii uu xilkaas iska casilay mas'uulkii horay loogu magacaabay oo ahaa Abuukar Xasan Cali.

12/21/2012 3:16 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Somalia ku dalacsiiyay sagaal sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.