4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo buuxiyay jago uu horay iska casilay mid ka mid ah wasiir ku xigeennadii la magacaabay
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta u magacaabay Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim, kaddib markii uu xilkaas iska casilay mas'uulkii horay loogu magacaabay oo ahaa Abuukar Xasan Cali.

Wasiir ku xigeeenkii is casilay ayaa sheegay in beeshiisa ay kula talisay inuu xilka iska casilo, maadaama aan horay wasiir loo siin, sidoo kalena xilka loo magacaabay uu yahay mid aan buuxin oo kala bar ah.

"Ra'iisul wasaare Saacid wuxuu xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta u magacaabay, Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim’, isagoo cuskanaya qodobbo ka mid ah dastuurka," ayuu yiri wasiirka warfaafinta, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo saxaafadda u akhriyay wareegtada lagu magacaabay wasiir ku xigeenka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa la dhameystiray toddobaadkii hore, inkastoo uu si kaddis ah xilkiisa isaga casilay wasiir ku xigeenka booskii uu banneeyay la buuxiyay, waxaana ra'iisul wasaaruhu uu sheegay in howaha xukuumadda aysan hakan doonin inta ay xilka hayaan.

Dhanka kale, golaha wasiirrada ayaa waxay xalay yeesheen kulan ay uga hadleen dhismaha guddiyo joogto ah oo uu dalku yeesho, kuwaasoo tiradoodu tahay 20 guddi oo howlaha xukuumadda dar-dargelin doona.

Dhismaha guddiyadan ayaa waxaa loo saaray guddiyo kasoo shaqeeya sidii lagu soo dhisi lahaa, waxaana tani ay qayb ka tahay sida wasiirku sheegay howlaha ay xukuumadda Soomaaliya ku doonayso inay howlaha horyaalla ku dhameystirto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya