3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2012
Dowladda Soomaaliya oo dhaqangelineysa shuruucda dhowridda xuquuqda Aadanaha

Jimco, December 21, 2012(HOL): Dowladda Soomaaliya oo sanadkii hore ee 2011 ku gudubtay imtixaanka dhowridda shuruucda xuquuqda aadanaha ayaa waxay si dhab ah u dooneysaa in ay dhaqangeliso shuruucda dhowridda xuquuqda aadanaha, kaasi oo dal kasta oo caalamka guudkiisa ku yaalla la marsiiyo Imtixaan ah sida uu u dhaqangeliyay shuruucda Xuquuqul-Insaanka.

 

Shuruucdan ay dhaqangelineyso dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ogolaatay dowladdii TFG-da  oo wafdi heer wasiir ah u dirtay Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Geneva, iyadoo wasiirradaasna ay ka mid ahaayeen Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar oo ahayd Wasiiru-dowlihii Xafiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiiraddii haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee isla xukuumaddaas Drs. Maryan Qaasim, iyadoo ay xusid mudan tahay in shirka iyadana laga casuumay wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye.

 

Wafdiga ka socday Dowladdii TFG-da iyo maamulka Puntland ayaa la soo hordhigay qodobo boqol kor u dhaafaya kuwaasi oo u khuseeya dhowridda xuquuqda aadanaha, kaddibna waxay wasiirradu dib wadatashi ugula noqdeen magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe oo ah xarunta Dowladdii TFG-da iyo Xarunta Maamulka Puntland, iyadoo uu horay u sii raacay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari.

 

Dowladdii TFG-da iyadoo tixgelineysa talo soo jeedinta uga timid Qarammada Midoobay ayaa waxay ogolaatay shuruucda loo soo bandhigay marka laga reebo dhowr qodob oo ay dowladdu diiday. Kaddibna Safiirka Soomaaliya ee xarunta Qarammada Midoobay ee Geneva Mr. Yuusuf Bari Bari oo aqbalaaddii dowladda wada ayaa dib ugu noqday xarunta Qarammada Midoobay ee Geneva, halkaasi oo lagu ansixiyay in Soomaaliya ay ka gudubtay imtixaankii la mariyay ee dhinaca shuruucda dhowridda xuquuqda aadanaha ahaa, iyadoo taasina ay la yaab ku noqotay Laamaha Qarammada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha.

 

Haddaba Dowladda haatan Soomaaliya u dhisan oo iyadu daneyneysa in ay horay u sii waddo geeddi-socodkaas, isla markaana dhaqangelisa shuruucda dhowridda xuquuqda aadanaha ayaa u yeertay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qarammada Midoobay Danjire Yuusuf Bari Bari, si ay tafaasiil dheeraad ah uga hesho shuruucda dhowridda xuquuqda aadanaha, waxaana sida warar aynu ka helnay ilo aanu ku kalsoonnahay ay sheegayaan in uu Safiirka oo haatan Muqdisho ku sugan uu u yeeray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

 

Kulan xalay ka dhacay xarunta golaha wasiirrada oo waqti badan socday ayaa waxaa warbixin dheer looga dhegeystay Danjire Yuusuf Bari Bari, iyadoo warbixintaas kaddibna ay golaha wasiirrada muujiyeen sida ay u doonayaan in ay dhaqangeliyaan shuruucda dhowridda xuquuqda aadanaha ee ay horay u meel-marisay Xukuumaddii KMG ahayd ee Soomaaliya.

 

Sidoo kalena ilo wareedyo ku dhow dhow guddoonka Baarlamaanka ayaa noo xaqiijiyay in Safiirka laga yaabo in uu kulan la qaato Baarlamaanka, gaar ahaan guddoomiyaha  iyo labadiisa ku xigeen iyo guddiga xuquuqul-insaanka ee Baarlamaanka, kuwaasi oo uu iyana warbixin ka siin doono arrimaha shuruucda xuquuqul-insaanka.

 

Sanadka 2015 ayay Soomaaliya mar kale mari doontaa imtixaan la mid ah midkii ay 2011 martay, kaasi oo lagu eegayo waxyaabihii ay ka dhaqangelisay shuruucdan dhowridda xuquuqda aadanaha iyo wixii aysan ka dhaqangelin, iyadoo ay xusid mudan tahay in dalalka xubnaha Qarammada Midoobay ee shuruucdan aqoonsaday ay dhammaantood mari doonaan Imtixaankan oo ah mid afartii sanaba mar la marsiiyo dalalkii aqoonsaday.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]













Click here
12/21/2012 2:50 PM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa boooqasho labo maalmood qaadanaysa ku maraya Dalka Kenya.

12/21/2012 2:23 PM EST
Jimco, December 21, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa booqasho ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo uu ku tegay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalkaas.

12/21/2012 3:57 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Xildhibannada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda uga furmay kulan socon doonaa saddex maalmood, kaasoo billowday shalay oo Khamiis ahayd.

12/21/2012 3:45 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta u magacaabay Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim, kaddib markii uu xilkaas iska casilay mas'uulkii horay loogu magacaabay oo ahaa Abuukar Xasan Cali.

12/21/2012 3:16 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Somalia ku dalacsiiyay sagaal sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

12/21/2012 3:15 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Iyadoo ay xukuumadda Puntland ku howlan tahay taaba gelinta geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo hirgelinta nidaamka axsaabta badan, ayaa waxaa dhowrkii todobaad ee ugu danbeeyey isa soo tarayey tirada urarada siyaasadda ee lagu dhawaaqy.