6/10/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2012
Guddoomiye kumeel gaar ah oo loo doortay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya


Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlaaanka cusub ee Soomaaliya Jen. Muuse Xasan Cabdulle


Isniin, August 20, 2012(HOL): Sidii aad kula socoteen wararkeennii hore waxaa hool ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho ka socotay dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu dhammeyd 211 Mudane, waxaana dhaarintaas kaddib guddoomiye kumeel gaar ah loo doortay Jen.Muuse Xasan Cabdulle.

Jen. MuuseXasan Cabdulle Xasan oo xilkan si KMG ah u sii heyn doona illaa iyo inta laga soo dooranayo guddoomiye Baarlamaan oo rasmi ah ayaa wuxuu ka tirsanaa Ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya, waana Xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay da’diisu tahay 72 sano.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal uu jeediyay markii xilka loo doortay kaddib waxaa uu ku sheegay in uu shacabka Soomaaliyeed u hambalyeynayo, ayna maanta heleen dowlad aan kumeel gaar ahayn.

Kaddib waxaa uu ka sii hadlay howlaha horyaalla Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in berri laga billaabo ilaa 25 bishan ay musharrixiinta jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka ay soo gudbin karaan musharraxnimadooda, iyagoo la xiriiri doona guddi doorasho oo uu magacaabi doono, kaasi oo shaqeyn doona 9-ka subaxnimo illaa iyo  3-da galabnimo.

Muuse Shiikh Xasan Cabdulle, Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu faah faahin ka bixiyay sida ay noqon doonto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in wareegga koowaad ay ka wada qeybgeli doonaan dhammaan musharrixiinta, wareegga labaadna ay ka qeybgeli doonaan intii wareegga koowaad ka soo gudubta oo haddana hesha codad ka badan 50%, iyadoo wareegga 3aad oo ugu dambeeyana ay ku tartami doonaan labadii musharrax ee isugu soo hartay, iyadoo midkii wareeggan ku guuleystaahi uu noqon doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Agoosto ayaa waxaa ku ekeyd xilligii loo qabtay dowladdii Federaalka KMG ahayd in ay xilliga kala-guurka ah ku dhammeyso howlaha horyaallay, waxaana sida muuqata hadda dhisan baarlamaan aan KMG ahayn, kaasi oo soo dooran doona guddoomiye baarlamaan, kaddibna madaxweyne soo magacaabi doona ra’iisal wasaare.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la qorsheeyay in ay dhacdo 26-ka bishan kaddib marka 25-ka musharrixiinta xilkaas u tartameysa ay soo gudbiyaan musharraxnimadooda. Laakin waxaanan la shaacin xilliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha oo iyadana si weyn loo sugayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/20/2012 10:56 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho goor dhow ka furmay shirka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu dhaarin doono ayna ku dooran doonaan guddoomyaha kulammada si KMG ah u guddoomin doono inta laga dooranayo guddoomiye cusub.

8/20/2012 10:54 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo laba loogu qaybinayay gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdihso, iyadoo ay goojoog ka ahaayeen xildhibaanno iyo wasiirro kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

8/20/2012 6:10 AM EST
Hay'adda Camuud (Amoud Foundation) ayaa soo gabagabeysay barnaamijyo isugu jiray afurin, biya-qaybin iyo kaalmo ay ugu talo-gashay ciidul-fidriga kuwaasoo ay ka qaybisay gobollada dalka qaarkood, iyadoo ay ka faa'iideysteen deeqahaas dad badan oo ay ku jireen indhoolayaal.

8/20/2012 5:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdihso uuna shir guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana kulankaas ka qayb-galay taliyaha guud ee AMISOM Andrew Gutti.

8/20/2012 3:28 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dowladda cusub ee la dhisayo ay xoogga saari doonto dib u dhiska dalka 20-sano oo dagaallo kaddib ayna la dagaalami doonto burcadbadeedda oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dhaqaalaha caalamka.

8/20/2012 3:25 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Munaasabadda Ciidul-fidriga ayaa si heer loogu dabaal-dagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taasoo lagu qabtay xarunta garoonka kubadda cagta ee Dr Ayuub, waxaana tukashada Salaadda ciidda ka qaygalay mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee gobolka Bay.

8/20/2012 2:47 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxyo siyaabo kala duwan xalay uga dhacay degmooyinka Muqdisho kuwaasoo lagu weeraray booliiska Soomaaliya iyo booliiska AMISOM.

8/20/2012 2:44 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku eg-tahay xilliga DKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa qabanqaabada kulankii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan xidlhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo isla maanta la dhaafin doono guddoomiye KMG ah dhexdooda ka xulanaya.