9/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2012
Hay'adda Amoud Foundation oo soo gabagabeysey Barnaamijyo isugu jiray Afurin, Biya-qaybin iyo Ciidul-Fidriga
amud.jpg

Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Hay'adda Camuud (Amoud Foundation) ayaa soo gabagabeysay barnaamijyo isugu jiray afurin, biya-qaybin iyo kaalmo ay ugu talo-gashay ciidul-fidriga kuwaasoo ay ka qaybisay gobollada dalka qaarkood, iyadoo ay ka faa'iideysteen deeqahaas dad badan oo ay ku jireen indhoolayaal.

Gobollada ay haya'ddu ka fulisay barnaamijyadan ayaa waxay kala yihiin: gobollada Bay, Bakool iyo Banaadir, waxaana dadkii deeqahan ka faa'iideystay ay ahaayeen kuwo aan iska bixin karin afurka iyo kuwo aan haysan wax ay ku ciidaan.

Afirinta ayaa waxaa ka faa'iideystay 2,000 oo qoys kuwaasoo la siiyay wixii ay ku afuri lahaayeen bisha Ramadaan, sidoo kale biyo dhaamis ay hay'addu ka sameysay gobolka Banaadir ayaa waxaa ka faa'iideystay
1,800 qoys kuwaasoo ku nool kaamamka Bar-Kulan iyo Iidle oo ku yaal jidka warshadaha.

amud2.jpg

Hay'adda Amoud Foundation oo ka mid hay'adaha samafalka oo mas'uuliyiinteedu ay ka hadleen barnaamijyada ayaa waxay sheegeen in sababaha ay gobolada Bakool, Banaadir iyo Bay ay u doorteen ay tahay iyadoo ay ku nool yihiin dad aad u fara badan oo aan awoodin inay heleen waxyaabihii aasaasiga ah ay u baahan yihiin, gaar ahaan dhinaca nolosha; sidoo kale waxay sheegeen in maalintii ciidul-fidriga ay hay'addu hilib iyo taashin noocyo kala duwan ah u qaybisay si ay dadka ugu ciidaan maalintaas.

Isbitaalka Xabeeb oo ay ku jiraan dadka dhimirka la'a oo ku yaalla Muqdisho ayay hay'addu ka qaybisay hilib iyo macmacaan loogu tala-galay farxadda ciidul-fidriga.

Dhinaca kale, hay'addu waxay sidoo kale deeq taa la mid ah gaarsiiyeen dugisga indhoolayaasha ee Al-basiir waxayna deeqdaas isugu jirtay noocyo kala duwan oo raashin taasoo ay hay'addu ugu tala-gashay in
lagu afuro bisha Ramadaan, iyadoo maamulaha dugsiga uu si aad ah ugu mahadceliyay hay'adda Amoud Foundation  isagoo sheegey in deeqdaan aysan ahayn tii ugu horeysay ee ay hay'addu soo gaarsiiso dugsiga
Al-basiir; balse ay jireen mara badan oo deeq ay soo gaarsiiyeen dugsiga.

Dhammaan dadkii deeqahan ka faa'iideystay ayaa u mahadceliyay ha'yadda Amoud Foundation, iyagoo sheegay in hay'addu ay deeqahan soo gaarsiisay xilli ay baahi weyn u qabeen; iyagoo codsaday inay halkaas
kasii wado barnaamijyada ay ku caawinayso dadka jilicsan.

amud3.jpg
amud4.jpg
amud6.jpg
amud5.jpg
amud7.jpg
amud8.jpg

Maxamed Xaaji Xusseen
Muqdisho , Soomaaliya












Click here
8/20/2012 12:48 PM EST
Isniin, August 20, 2012(HOL): Sidii aad kula socoteen wararkeennii hore waxaa hool ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho ka socotay dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu dhammeyd 211 Mudane, waxaana dhaarintaas kaddib guddoomiye kumeel gaar ah loo doortay Muuse Shiikh Xasan Cabdulle Xasan.

8/20/2012 10:56 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho goor dhow ka furmay shirka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu dhaarin doono ayna ku dooran doonaan guddoomyaha kulammada si KMG ah u guddoomin doono inta laga dooranayo guddoomiye cusub.

8/20/2012 10:54 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo laba loogu qaybinayay gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdihso, iyadoo ay goojoog ka ahaayeen xildhibaanno iyo wasiirro kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

8/20/2012 5:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdihso uuna shir guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana kulankaas ka qayb-galay taliyaha guud ee AMISOM Andrew Gutti.

8/20/2012 3:28 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dowladda cusub ee la dhisayo ay xoogga saari doonto dib u dhiska dalka 20-sano oo dagaallo kaddib ayna la dagaalami doonto burcadbadeedda oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dhaqaalaha caalamka.

8/20/2012 3:25 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Munaasabadda Ciidul-fidriga ayaa si heer loogu dabaal-dagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taasoo lagu qabtay xarunta garoonka kubadda cagta ee Dr Ayuub, waxaana tukashada Salaadda ciidda ka qaygalay mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee gobolka Bay.

8/20/2012 2:47 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxyo siyaabo kala duwan xalay uga dhacay degmooyinka Muqdisho kuwaasoo lagu weeraray booliiska Soomaaliya iyo booliiska AMISOM.

8/20/2012 2:44 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku eg-tahay xilliga DKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa qabanqaabada kulankii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan xidlhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo isla maanta la dhaafin doono guddoomiye KMG ah dhexdooda ka xulanaya.