3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2012
Qaraxyo lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kuwa AMISOM oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho


Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxyo siyaabo kala duwan xalay uga dhacay degmooyinka Muqdisho kuwaasoo lagu weeraray booliiska Soomaaliya iyo booliiska AMISOM.

Qaraxyada oo saddex ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray ciidamadii lagu weeraray, balse la hubo oo keliya afar qof oo rayid ah oo dhaawacmay kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar.

"Afar qof oo laba rag ah iyo laba dumar ah ahaa ayaa ku dhaawacmay bam xalay fiidkii lagu weeraray ciidammo booliis ah oo ku sugnaa isgoyska Baar Ubax, ma jirto wax khasaare ah oo gaaray ciidamadii bambaanada lagu tuuray," ayay tiri gabar ganacsi u haysata isgoyska Baar Ubax oo ka hadlaysay bambaanadaas.

Sidoo kale, laba bambaano oo kuwa gacanta ah ayaa lagu weeraray saldhigga booliiska ee degmada Yaaqshiid halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa booliiska AMISOM, balse lama yaqaan khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas.

Ma jirto saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo ka hadlay labadii weerar ee xalay ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo lala bartilmaameedsaday booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo loogu talogalay inay ammaanka Muqdisho xoojiyaan.

Dhanka kale, ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarradaas, inkastoo Al-shabaab ay dhowr jeer oo hore sheegatay mas'uuliyadda weerarro dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/20/2012 12:48 PM EST
Isniin, August 20, 2012(HOL): Sidii aad kula socoteen wararkeennii hore waxaa hool ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho ka socotay dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu dhammeyd 211 Mudane, waxaana dhaarintaas kaddib guddoomiye kumeel gaar ah loo doortay Muuse Shiikh Xasan Cabdulle Xasan.

8/20/2012 10:56 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho goor dhow ka furmay shirka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu dhaarin doono ayna ku dooran doonaan guddoomyaha kulammada si KMG ah u guddoomin doono inta laga dooranayo guddoomiye cusub.

8/20/2012 10:54 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo laba loogu qaybinayay gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdihso, iyadoo ay goojoog ka ahaayeen xildhibaanno iyo wasiirro kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

8/20/2012 6:10 AM EST
Hay'adda Camuud (Amoud Foundation) ayaa soo gabagabeysay barnaamijyo isugu jiray afurin, biya-qaybin iyo kaalmo ay ugu talo-gashay ciidul-fidriga kuwaasoo ay ka qaybisay gobollada dalka qaarkood, iyadoo ay ka faa'iideysteen deeqahaas dad badan oo ay ku jireen indhoolayaal.

8/20/2012 5:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdihso uuna shir guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana kulankaas ka qayb-galay taliyaha guud ee AMISOM Andrew Gutti.

8/20/2012 3:28 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dowladda cusub ee la dhisayo ay xoogga saari doonto dib u dhiska dalka 20-sano oo dagaallo kaddib ayna la dagaalami doonto burcadbadeedda oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dhaqaalaha caalamka.

8/20/2012 3:25 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Munaasabadda Ciidul-fidriga ayaa si heer loogu dabaal-dagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taasoo lagu qabtay xarunta garoonka kubadda cagta ee Dr Ayuub, waxaana tukashada Salaadda ciidda ka qaygalay mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee gobolka Bay.

8/20/2012 2:44 AM EST
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku eg-tahay xilliga DKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa qabanqaabada kulankii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan xidlhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo isla maanta la dhaafin doono guddoomiye KMG ah dhexdooda ka xulanaya.