4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay dil ugu xukuman yihiin ergooyinkii Ansixiyay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya

Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta DKMG ah iyo AMISOM ayaa sheegtay in ergadii ansixisay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ay ugu xukuman yihiin dil toogasho ah, iyadoo taas sabab uga dhigtay inay meel-mariyeen dastuur ay sheegeen inuu diinta Islaamka kasoo horjeedo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-shabaab, Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan) oo la hadlayay warbaahin ku hadasha afka Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay inay meel walba ku beegsan doonaan cid walba oo gacan ka geysatay dastuurka KMG ah ee shalay la ansixiyay.

"Cid walba oo ka qaybqaadatay ansixinta dastuurka waxaan caddeynaynaa inay dil noogu xukuman tahay meel walba oo ay joogaanna aan ku beegsan doonno," ayuu yiri Sheekh Abuu-C/raxmaan oo intaas ku daray in dastuurka la ansixiyay uu yahay mid looga horjeedo diinta Islaamka.

Ergooyinkii ansixinta dastuurka ayaa shalay oo Arbaco ahayd waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen dastuurka, iyadoo maamullada dalka ka jira ay soo dhaweeyeen ansixinta dastuurka, madaxda dowladda KMG ah ay sheegeen in Somalia ay hadda yeelatay dastuur.

Dhanka kale, afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay inay iyagu mas'uul ka ahaayeen weerarradii ismiidaaminta ahaa ee shalay laug weeraray xarunta uu ka socday shirka ansixinta dastuurka, wuxuuna xusay in weerarradaas ay fuliyeen laba xubnood oo iyaga ka tirsan.

Ugu dambeyn, Sheekh Abuu-muscab wuxuu sheegay in weerarkaas ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah, balse mas'uuliyiinta dowladda ayaa sheegay inay weerarkaas ka hortageen uusan wax khasaare ah u geysan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya