4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culimada gobollada, kuna booriyey inay ka wacyigeliyaan isqarxinta dhalinyaradda


Khamiis, Agoosto 16, 2012 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa xalay kulan afur iyo casho iskugu jirta la yeeshay culimadda Somaliland,isla markaana uga waramay xaaladda guud iyo kaalinta ay culimadu ka qaadan karaan wacyigelinta dadweynaha.

Sidaas waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, kaas oo lagu sheegay inuu culimadda ku booriyey madaxweynuhu sidii nabdgalyadda loo adkeyn lahaa iyo sidii dhalinyaradda looga wacyelin lahaa isqarxinta iyo fahanka khaldan ee diinta laga sameeyey.

“Madaxweynaha  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa caawa (xalay) kulan Afur iyo Casho sharaf ah la qaatay Culimo aw diinka Reer Somaliland oo ka kala yimid 6-da Gobol ee Somaliland.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi, waxaana intaas lagu daray “kulankan oo ku qabsoomay qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ahaa kulan ay madaxweynaha iyo Culimo aw diinku ay yeesheen, kaas oo la xidhiidha is xog-waraysi iyo sidii ay culimado aw diinka Somaliland u xoojin lahaayeen nabadgelyada, ee ay awalba caadada iyo dhaqanka u ahayd culimada una ilaalin jireen nabadgelyada”.


Kulankan oo lagu sheegay is xog-waraysiga, ayaa madaxweynuhu uga mahadnaqay culimo aw diinka sida qiimaha badan ee ay u soo ajiibeen kulankan, waxaaanu sheegay inuu uga mahadnaqayo Culimo aw diinka sida ay uga qayb qataan baraarujinta ay marwalba la garabtaagan yihiin mushtamaca reer Somaliland.

“ madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay culimo aw diinka inay meel uga soo wada jeedaan ugana digaan bulshada kuwa xumaha kula dhex wareegaya ee diinta sida qaldan u fahmay ee ma-jara habaabiya dhalin yarada aan qaan gaadhin iyo kuwa is garxiya ee argagixisada ah, isaga oo madaxweynuhu sheegay in ay marwalba ka wacdiyaan dhalinta wixii xun.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Culimadda ayaa iyana dhankooda ka balanqaaday sidii nabadgalyada iyo qaranimada loo ilaalin lahaa, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan xukuumadda wax wal oo nabadgalyada ka hor imanaya aanay ogoleyn dadweynahana ku baraarujindoonaan qiimaha nabadgalyadda u leedahay nolosha bani’aadamka.

Kulankan uu mdaxweynuhu culimadda gobolada Somaliland la yeeshay ayaa waxa ku wehelinayey qaar kamid ah golihiisa wasiiradda.




Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland