Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa shalay gubay gaari jaad u waday degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya, iyagoo sidoo kale dilay darawalkii iyo nin kale oo lagu sheegay inuu ahaa ganacsadihii jaadka lahaa.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay gaariga ku joojiyeen inta u dhexeysa Dhoobley iyo Afmadow ayna isla markiiba toogteen darawalkii gaarigaas iyo ganacsadihii jaadka.
Qaar ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee dilka geystay ayaa dadka deegaanka uu dilku ka dhacay u sheegay in jaadka loo waday degmada Afmadow oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Saraakiisha dowladda KMG ah ee ku sugan degmada Afmadow ayaan ka hadlin falka ay Al-shabaab ku dishay labada qof ayna ku gubtay gaariga jaadka ah ee ku socday degmada Afmadow oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ay gacanta ku hayaan.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Xarakada Al-shabaab ay toogtaan dad la socday gaadiid jaad wada oo isaga gooshayay gobolka Jubbada hoose, sidoo kalena waxay dhowr jeer oo hore gubeen jaad loo waday degmooyinka gobolkaas qaarkood.
Xarakada Al-shabaab oo weli qaybo badan oo Koonfurta Soomaaliya ah gacanta ku haysa ayaa waxay deegaannada ay ka taliso horay uga mamnuucday ka ganacsiga iyo cunista jaadka iyo sigaarka oo ay u arkaan mukhaadaaraad.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xoogagga Al-shabaab oo gubay Gaari Jaad u waday Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Qoys ku sumoobay Tuulada Qalaanqal ee gobolka Nugaal
- RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA: “ Xukuumaddu wey jireysaa inta xukuumad cusub laga soo dhisayo”
- Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culimada gobollada, kuna booriyey inay ka wacyigeliyaan isqarxinta dhalinyaradda
- Tifaftire cusub oo loo magacaabay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da
- Buug cusub oo loogu magac daray Tiirka Nabadda ee Gobollada Dhexe oo lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho
- Dagaal culus oo Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku dhexmary Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab
- Hay'adda Culummada Soomaaliyeed oo baaq u jeedisay Madaxda DKMG ah iyo Odayaasha Xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka