4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2012
Buug cusub oo loogu magac daray Tiirka Nabadda ee Gobollada Dhexe oo lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho
BUUG8.jpg

Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Waxaa Muqdisho lagu soo bandhigay buuq cusub oo diiradda saaraya xaalada gobolada dhexe, iyadoo buugan loogu magac daray [Tiirka Nabada, Carqaladaha iyo Fursadaha Gobolada Dhexe] ayaa waxaa soo bandhigtay xarunta cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD.

Buuggan oo si wadajir ah ay u abaabuleen CRD iyo Inter-peace ayaa waxaa lagu soo beegay iyadoo ifafaalo nabadeed ka jirto guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada gobolada dhexe, is-bedelada ka socda koofurta Soomaaliya, kuwa dhexe iyo magaalada Muqdisho.
buuga-tiirarka (2).jpg

Kulan ballaaran oo lagu soo bandhigayay buuggan oo shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galay mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda, madaxda maamulka gobollada dhexe, aqoon-yahanno, ururrada haweenka, odayaasha, wax-garadka iyo dhallinyarada, iyadoo buuggan uu qeexayo macluumaad la xiriira xaaladda gobollada dhexe.

Jabriil Ibrahim Cabdulle oo ah madaxa xarunta CRD oo ka hadlay munaasabada bandhiga Buugan ayaa sheegay in warbixinta ay ku soo aaday xili kala guur ah oo shacabka Soomaaliyeed doonayo Isbadal Nabadeed.

"Gobolladda dhexe ee Soomaaliya waxa ay galeen xli cusub oo ay doonayain ay kaga baxaan Go’doonka Siyaasadeed, dhaqaale iyo mid ijtimaaci, dadkuna waxaa ay u soo jeesteen in aysan kaalmo ka sugin muqdishu oo ay isku tashtaaan"ayuu yiri Jabriil oo intaa ku daray in xilliga kala guurka iyo dareenka ka jira Gobolada Dhexe uu iftiiminayo in laga faa'ideysto Fursadaha qaaliga ah.

Cabdiraxmaan Raage oo ah Agaasimaha Barnaamijka Soomaalida ee hay’adda Interpeace ayaa isna farta ku fiiqay waxyaabaha uu buugan muujinayo, isagoo xusay inay ugu weyn tahay sida nabad waarta ah ay ku imaan karto.

"Waxyaabaha buugan muujinaya waxaa ka mid in nabad waarta ay ku imaan karto oo kaliya marka dadka deegaanka oo ayaga la wareegaan nabadooda, waxaana jira tusaale fiican oo lagu dayan karo, waa lama huraan dadka ama hay’addaha doonayo in ay ka howl galaan goboladda dhexe inay sii kobciyaan ama wax ku daraan guulihii horay loo gaaray oo aysan baarnaamijyo cusub oo burburinaaya gulahaas aan kor looga keenin"ayuu yiri Mr Raage.

Sidoo kale waxaa kulankan ka hadlay Wasiiro, Wasiiru Kuxigeeno iyo wasiiru dowlayaal, qaar ka mid Bulshada rayidka, iyadoo kulankan si toos looga dhageysanayay Gobolada dhexe,

Wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, Abdulakadir Maxemed Dhicisow ayaa sheegay in talooyinka buugaan aad loga faa’idaysto, isagoo sheegay in macluumaadka uu wato buugan yahay mid yididiilo muujinaya.

BUUG.jpg

"Waxaa ku qoran warbixintan waxaa uu xaqiijinayaa inuu noo iftiiminayo in Taladda lagu celiyo shacabka deegaanka. Qoraalka waxaa uu noqon doonaa mid tusaale u noqda hayadaha iyo dowladaba si loo sii horamariyo Nabadda iyo Guulaha la gaaray"ayuu yiri Wasiirka Macdanta iyo Tamarka Mr Dhicisow.

Dr. Abdi Ali, oo Wasiiru Doowlaha Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa isaga sheegay in Warbixintaan laga faa’idaysto, dadku ku dhaqan goboladda dhexe ay kordhiyaan da’daalkooda, isagoo sidoo kaliya ku adkeeyaya hay’ada CRD in ay warbixinta noocaani ah lagu baahiyo dalka oo dhan.

Maxamed Aadan Ticeey oo ah Madaxwaynaha Ximin iyo Xeeb ayaa sheegay in goboladda dhexe ay ka baxaan maamulada faraha badan ee ka jira, waxaana uu tilmaamay in midnimo lagu horumarin karo Gobolada

Haya’adda CRD Waxaa ay horay wax uga qabatay degaano kala duwan ee ka tirsan goboladda Somaaliya , sida Jubooyinkam Shabeeloyinka, Gedo, Bay iyo Bakool waxaana u qorsheysan in ay soo saarto qoraalo ka mid ah qoraalada oo dhawaan la soo saari doono.

Buugaan oo ka kooban 176, waxaa uu soo gudbinayaa dareenka iyo codka dadka ku dhaqan goboladda Dhexe ee Soomaaliya , waxaan ku qoran talooyin wax ku ool ah oo ku wajahan shacabka ku dhaqan deegaanka, dowlada dhexe iyo bulshada caalamka ee daneeysa Soomaaliya.

BUUG2.jpg
BUUG3.jpg
BUUG4.jpg
BUUG5.jpg
BUUG7.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya