12/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2012
Kooxo hubeysan oo Suuqa Bakaaraha ku dilay laba qof oo midkood uu ahaa Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku dilay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha laba qof oo midkood uu askari ahaa, iyadoo la sheegay inaysan labadan qofba ka qaateen lacag iyo hub.

Goobjoogayaal ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay HOL in dilalkan ay ka dhaceen goobo aad u buuq badan oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan, iyagoo sheegay in kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay baxsadaan.

"Askariga waxaa lagu dilay sarif-yaraha sarifka lacagaha ee Bakaaraha, waxaana laga qaatay bastoolad. Sidoo kale waxaa la dilay madaxii ammaanka shirkadda Hourmuud oo lagu magacaabi jiray Maxamed Raage, waxaana laga qaatay lacag dhan 40,000 oo dlollar oo uu sitay," ayay yiraahdeen goobjoogayaasha.

Inkastoo dowladda KMG ah aysan ka hadlin dilalkan ka dhacay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa haddana waxay imaanayaa xilli ay DKMG ah waddo qorshe ay ku adkeynayso ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmo kaddib ay ka dhici doonaan doorashooyin lagu soo xulanayo madaxda dowladda Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo suuqa Bakaaraha ay ku sugan yihiin dad aad u fara badan oo caruurtooda u iibsanaya dharka ciidda, waxaana tani walaac weyn ay gelisay dadkii suuqaas ka adeeganayay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarka lagu dilay askariga iyo ruuxa ganacsadaha ah, iyadoo tan iyo markii Al-shabaab ay ka baxday suuqa Bakaaraha muddo hadda laga joojo hal sano lagu dilay suuqa bakaaraha dhowr qof oo isugu jiray askar iyo shacab.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa saakay ku dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir mas'uul ka tirsan wasaaradda warfaafinat DKMG ah, iyadoo lagu eedeeyay dilkaas Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/12/2012 4:13 PM EST
Axad, Ogoosto, 12, 2012 (HOL)-Xubno ka mid ah madaxda xisbiga UDUB, ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga qaaday inay usoo digo rogteen xisbiga taladda haya ee KUlMIYE.

8/12/2012 4:01 PM EST
Axad, August 12, 2012-Waxaa magaalada Muqdishu maanta oo ah August 12 looga dabaal degay maalinta dhalinyaradda adduunka. Munaasabaddaan oo sanadkan ku soo aaday xili ay Muqdisho laga dareemayo ifafaallo nabadeed ayaa waxaa la qabtay xaflad geed talaal ah oo lagu maamusayo maalinta dhalinyaradda Adduunka.

8/12/2012 8:20 AM EST
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Guddiga xulista xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay maanta oo Axad ah in beelaha Soomaaliyeed ee 4.5-ka ay soo dhameystireen xulidda xidhibaannada baarlamaanka cusub, iyagoo sheegay in baaritaanno kaddib ay dib u celiyeen kontomeeyo xildhibaan.

8/12/2012 7:26 AM EST
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Iyadoo maalmo kooban ay naga xigaan munaasabada ciidul fidriga ayeey dadka danyarta ah ee ku nool xeryahay barakacayaasha magaalada Baladweyne dalabanayaan in la soo kaalmeeyo si ay uga qeyb-qaataan farxada maalinta ciida.

8/12/2012 7:23 AM EST
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa xalay magaalada Gaalkacayo ku diley hal nin, islamarkaana dhaawacay nin kale oo ay midka geeriyoodey wada socdeen.Ninka dhintay oo lagu magacaabi jirey Cabdi Axmed Dheere, waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa ganacsatada yar yar ee gobolka.

8/12/2012 5:02 AM EST
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeyso duqeymo xooggan oo ay xalay Maraakiib dagaal salaaddii maqrib kadib ka geeystay magaalada Kismaayo, iyadoona duqeyntaasi ay sababtay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

8/12/2012 4:53 AM EST
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Guushii uu gaaray ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah oo u orda dalka Britain ayaa si weyn looga soo dhaweeyay gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo dabaaldagyo lagu taageerayo guushiisa ay ka dhaceen gudaha Soomaaliya iyo dalka Kenya.

8/12/2012 4:37 AM EST
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Wakiilka xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augstine Mahiga ayaa madaxda dowladda KMG ah iyo xubnaha kale ee rajada ka qaba inay baarlamaanka ka mid noqdaan ama ay qabtaan xilalka waaweyn sida madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka ku eedeeyay inay musuqmaasuq ku hayaan xulista xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

8/12/2012 4:07 AM EST
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Ciyaaryahannadii Soomaaliya uga qaybgalayay ciyaaraha Olombikada ee London 2012, Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed ayaa la sheegay inay magangalyo weydiisteen dowladda Britain, iyagoo ku andacoonaya inay ka baqayaan in Al-shabaab ay disho haddii ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

8/12/2012 3:48 AM EST
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Shaqaaqo xoogan ayaa ka taagan magaalada Johannsburg ee dalka Koonfur Afrika ka gadaal markii ay is risaseyn muddo socotay dhex-maray Soomaali iyo Itoobiyaan magaaladaas kuwada nool, halkaasoo ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen qaar ka mid ah dadkii goobtaas ku sugnaa iyo kuwo socota ah.

8/12/2012 3:30 AM EST
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa xilkii ka qaaday Sabtidii shalay taliyihii ciidamada nabad-sugidda Puntland, Saleebaan Barre, iyadoo isla maantana loo magacaabay xilkaas mas'uul kale.

8/12/2012 3:29 AM EST
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa saakay aroortii hore ku dilay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) oo ka mid ahaa sarkaal u shaqeynayay DKMG ah, kana mid ahaa bahda saxaafadda Soomaalida.

8/12/2012 3:20 AM EST
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Iyadoo ay maalmo koobani inaga xigaan wakhtigii Ciidul-fidriga, ayaa waxaa dhaq dhaqaaq ganacsi oo aad u xoogan laga dareemayaa suuqa magaalada Boosoosaaso, oo isagu ah kan ugu weyn guud ahaan deegaanada Puntland.