Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa xalay magaalada Gaalkacayo ku diley hal nin, islamarkaana dhaawacay nin kale oo ay midka geeriyoodey wada socdeen.Ninka dhintay oo lagu magacaabi jirey Cabdi Axmed Dheere, waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa ganacsatada yar yar ee gobolka.
Goobta uu dilku ka dhacay oo ah xaafadda Garsoor, waxaa durbadiiba soo gaaray Booliska, inkasta oo aan falkaas cidna loo qaban, dableydii weerarka geysteyna ay durbadiiba goobta ka baxsadeen.
Ilaa iyo hadana lama ogga cidda dilkan ka danbeysey iyo weliba sababta, waxaase jira warar ay dadku isla dhex marayaan, balse aan xaqiiqadooda la hubin oo sheegaya in weerarkaasi uu aha mid salka ku haya aano qabiil.
Saraakiil ka tirsan Booliska Mudug, oo maanta la hadlay qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah, ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ay wadaan baritaan arintan la xiriira, natiijadana ay gadaal kasoo sheegi doonaan.
Dilka ganacsadahan ayaa imaanaya 2 todobaad kadib markii la toogtey nabadoon Maxamed Xasan (Fareey), wuxuuna dhinaca kale kusoo beegmayaa xilli ay magaalada Gaalkacayo ku sugan yihiin ciidamo badan oo halkaas loo geeyey si ay amaanka u xoojiyaan.
Magaalada Gaalkacayo oo ah magaalo aad u balaaran, una kala qaybsan laba dhinac oo ay ka kala arimiyaan maamullada Gal-mudug iyo Puntland, waxaa intii lagu guda jirey sanadka 2011 siyaabo kala duwan loogu diley dad ay tiradoodu 10 kor u dhaafeyso.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Dabley hubeysan oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ku diley hal nin mid kalena ku dhaawacay
More News
- Xubno ka tirsan madaxdii xisbiga UDUB oo sheegay inay usoo digo rogteen xisbiga kulmiye
- Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo Muqdisho laga xusay
- Guddiga Xulista Baarlamaanka oo sheegay in Beelaha Soomaaliyeed ay soo gudbiyeen Xildhibaannadii laga doonayay
- Kooxo hubeysan oo Suuqa Bakaaraha ku dilay laba qof oo midkood uu ahaa Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah
- Danyarta ku nool Degmada Baladweyne oo codsanaya kaalmo si ay uga qeyb-qaataan Farxada Maalinta Ciidda
- Faahfaahin Dheeraad ah oo kasoo baxeyso duqeymihii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Guusha uu gaaray Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah oo laga soo dhaweeyay guud ahaan Soomaaliya
- Danjire Augustine Mahiga oo Madaxda DKMG iyo Murashaxiinta kale ku eedeeyay inay Musuqayaan Xulista Baarlamaanka
- Ciyaaryahanada Somalia uga qaybgalay Ciyaaraha Olombikada London oo sheegay inay ku laabanayaan Soomaaliya
- Iskahorimaad muddo socoday oo Soomaali iyo Itoobiyaan ku dhexmaray Magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika
- Madaxweynaha Puntland oo Xilka ka Qaaday Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Puntland mid kalena u Magacaabay
- Dabley Magaalada Muqdisho ku dishay sarkaal u shaqeynayay DKMG Soomaaliya kana mid ahaa Bahda Saxaafadda Soomaalida
- Dhaqaaqa Ganacsiga Suuqa Degmada Boosaaso oo kor u kacay iyo Ciidda oo si weyn loogu diyaar garoobayo