Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Wakiilka xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augstine Mahiga ayaa madaxda dowladda KMG ah iyo xubnaha kale ee rajada ka qaba inay baarlamaanka ka mid noqdaan ama ay qabtaan xilalka waaweyn sida madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka ku eedeeyay inay musuqmaasuq ku hayaan xulista xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Danijre Mahiga ayaa sheegay in xubnahaas tallaabo laga qaadi doono markii lagu helo eedaha loo jeedinayay, wuxuuna xusay inay mudan doonaan in cunno-qabteyn lagu soo rogo.
"Kuwa musuqmaasuqa wada waa dadka rajada ka qaba ee u ololeynaya boosaska cusub ee baarlamaanka iyo sidoo kale kuwa rajada ka qaba xilalka madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka, waxaana ka mid ah dadka horay jagooyinka u hayay hadday ahaan lahaayeen kuwa horay u hayay jagooyinka baarlamaanka ama kuwa dowladda iyo kuwo dibadda ka ah," ayuu dajire Mahiga oo la hadlayay BBC-da.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in musuqmaasuqa ay qayb ka noqon karaan odayaasha dhaqanka ee loo xilsaaray soo xulista xidlhibaannada baarlamaanka cusub ee dalka Soomalaiya, isagoo sheegay in musuqmaasuqu uu isugu jiro mid wax bixin ah iyo wax qaadasho ah.
Dajire Mahiga ayaa waxaa la weydiiyay caddeymaha ay u hayaan eedeymaha ay u jeedinayaan xubnaha uu tilmaamay isagoo kaga jawaabay: "Hubaashii waqtigan kama jiro gudaha Soomaaliya guddi doorasho ama hay'ad sharci oo shaqeynaysay, laakiin waxaa jiri doonta in lasoo ururiyo caddeymaha, ma jiraan wax la isku cafin doono."
Ugu dambeyn, Dajire Mahiga wuxuu sheegay in shaqsiyaadka noocaas ah ay mudan doonaan cunno-qabteyn; isagoo carrabka ku adkeeyay inaan laga daali doonin in lasoo helo caddeymo ku filan eedeymaha ay jeedinayaan.
Hadalkan Mahiga ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ay soo saareen Jimcihii lasoo dhaafay qoraal ay ku sheegeen in tallaabo laga qaadi doono shaqsiyaadka musuqmaasuqa ku haya xulista baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Danjire Augustine Mahiga oo Madaxda DKMG iyo Murashaxiinta kale ku eedeeyay inay Musuqayaan Xulista Baarlamaanka
More News
- Xubno ka tirsan madaxdii xisbiga UDUB oo sheegay inay usoo digo rogteen xisbiga kulmiye
- Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo Muqdisho laga xusay
- Guddiga Xulista Baarlamaanka oo sheegay in Beelaha Soomaaliyeed ay soo gudbiyeen Xildhibaannadii laga doonayay
- Kooxo hubeysan oo Suuqa Bakaaraha ku dilay laba qof oo midkood uu ahaa Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah
- Danyarta ku nool Degmada Baladweyne oo codsanaya kaalmo si ay uga qeyb-qaataan Farxada Maalinta Ciidda
- Dabley hubeysan oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ku diley hal nin mid kalena ku dhaawacay
- Faahfaahin Dheeraad ah oo kasoo baxeyso duqeymihii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Guusha uu gaaray Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah oo laga soo dhaweeyay guud ahaan Soomaaliya
- Ciyaaryahanada Somalia uga qaybgalay Ciyaaraha Olombikada London oo sheegay inay ku laabanayaan Soomaaliya
- Iskahorimaad muddo socoday oo Soomaali iyo Itoobiyaan ku dhexmaray Magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika
- Madaxweynaha Puntland oo Xilka ka Qaaday Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Puntland mid kalena u Magacaabay
- Dabley Magaalada Muqdisho ku dishay sarkaal u shaqeynayay DKMG Soomaaliya kana mid ahaa Bahda Saxaafadda Soomaalida
- Dhaqaaqa Ganacsiga Suuqa Degmada Boosaaso oo kor u kacay iyo Ciidda oo si weyn loogu diyaar garoobayo