4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2012
Danyarta ku nool Degmada Baladweyne oo codsanaya kaalmo si ay uga qeyb-qaataan Farxada Maalinta Ciidda
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Iyadoo maalmo kooban ay naga xigaan munaasabada ciidul fidriga ayeey dadka danyarta ah ee  ku nool xeryahay barakacayaasha magaalada Baladweyne dalabanayaan in la soo kaalmeeyo si ay uga qeyb-qaataan farxada maalinta ciida.

Dadkan oo u badan caruur iyo haween aad u jilicsan ayaa ku nool xeryo ku yaala daafaha magaalada Baladweyne, waxaana ay ka cabanayaan xaalado kala duwan oo dhinaca nolasha ah, madaama sida ay sheegeen waqti dheer aysan helin wax gargaar ah.

Laakiiin arinta ugu darran ayeey ku tilmaameen in ay tahay iyaga oo aan heysan wax yaabihii uga qeyb-qaadan lahaayeen munaasabada ciida, gaar ahaan caruurto oo ah kuwo maalintaa u baahan in ay farxaan sida caruurta kale ee ku dhaqan magaalada.

"Walaahi walaalow nolasha waa ay iska xun tahay, laakiin hadda waxaa noogu sii darran anaga iyo caruurteen ma aheyso wax aan ku ciidno, waayo waxaa u baahannahay in aan u faraxno sida ay dad kalaba u faraxsan yihiin qeybana ka qaadano nashaadka iyo dabal dega maalintaas, sidaa daraadeed waxaa codsaneynaa in nala soo kaalmeeyo,’’ ayay tiri Faay Cali oo ka mid ah haweenka ku jira xerayaha barakacayaasha Baladweyne.

Muqaal ahaan marka aad dadka eegto waxaa durbaba kuu soo baxaya xaalada adag ee ka heysta dhinaca nolasha, gaar ahaan caruurta oo u muuqda kuwo siweyn uga niyad jabsan in aysan awoodin ka qeyb-qaadashada munaasabada ciida maadama aysan heysan cid caawisa.

Waxaa ay ka dalbadeen hay’addaha samafalka, jaaliyadaha dibada iyo dadka muxsiniinta ah ee wax heysta in ay soo caawiyaan maalmaha kooban ee ka dhiman bisha Ramadaan si markaa ay ugu diyaar garoobaan munaasabada ciidul fidriga.

Dhinaca kale, guud ahaan marka aad eegto magaalada Baladweyne waxaa ka jira diyaar garow adag oo ay dadku ugu jiraan ciida maalmaha ka harsan yihiin, waxaana camiray goobaha ganacsiga haween iyo caruur ku mashquulsan sidii ay u iibsan lahaayeen dharka maalinta ciida gaar ahaan caruurta oo ay tahay maalin u gaar ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya