4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2012
Danjire Augustine Mahiga oo sheegay inay jiraan shaqsiyaad doonaya in xildhibaanno ay iyagu wataan lasoo magacaabo

Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay inay jiraan xubno doonaya in lasoo magacaabo xildhibaanno ay iyagu wataan, isagoo sheegay inaan la aqbali karin arrinaas.

Danjire Mahiga ayaa marxalad adag ku tilmaamay xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo la doonayo inay sal adag u noqdaan dowlad-wanaag, isagoo xusay inay xulista xidlhiabannadu tijaabo u tahay sharafta odayaasha, lagana doonayo odayaasha inay soo xulaan baarlamaan ka shaqeeya danaha dadka Soomaaliyeed, ayna ogaadaan in shacabku ay si weyn u aamineen.

Wuxuu sheegay in ka mid noqoshada baarlamaanka cusub aysan ahayn wax shaqo lag dhigto balse ay tahay howl adag, isagoo sheegay in xildhibananada cusub ay u hoggaan sami doonaan shuruucda.

Qoraalka kasoo baxay danjire Mahiga ayaa sheegay inay jiraan xubno mas'uuliyiin ah hadda iyo kuwo horay xilal u hayay oo doonaya in lasoo xulo xildhibaanno ay wataan, wuxuu mas'uuliyiintaas ku tilmaamay inay wadaan caga-jugleyn, laaluush bixin, eexasho iyo musuqmaasuq.

"Ma ogolaan karno in kuraasta baarlamaanka ay noqdaan badeeco la kala iibsado ama xaraash laga iibinayo hadba ciddii lacag badan, waayo waxaan hadda ku jirnaa xilli aan raadinayno sharafkii ay Soomaaliya lahayd," ayuu Mahiga ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Sidoo kale, danjire Mahiga wuxuu sheegay in qofka xidhibaanka noqonaya ay tahay khasab inuu ku yimaado aqoontiisa iyo waxqabadkiisa, isagoo sheegay in wax laga shallaayo ay tahay in murshaxiinta dumarka ah ay u nugul yihiin in laga saaro tartanka, taasoo sabab u ah sida uu yiri inaysan haysan dhaqaale ku filan.

Danjire Mahiga wuxuu sheegay in la garanayo dadka adeegsanaya xeeladaha isugu jira caga-jugleynta iyo laaluush bixinta, balse ma sheegin magacyadooda, isagoo ku daray hadalkiisa inay joojiyaan dhaqanka noocaas ah iyo inay xushmeeyaan xaqa ay dumarka u leeyihiin inay ka qayb-qaataan hannaanka siyaasadda Soomaaliya.

"Ma ahan wax la aqbali karo in baarlamaanka uu howshiisa cusub ku billaabo qalad noocan oo kale ah. Dadka mas'uulka ka ah arrimaha caga-jugleynta waxaa loo aqoonsan doonaa inay yihiin qas-wadayaal, dhaqanka noocan oo kale ahna wuxuu u dhigmaa mid hori-staagaya hannaanka nabadda," ayuu yiri danjire Mahiga.

Ergaygu wuxuu sheegay in caga-juleytu ay soo food-saartay guddiga farsamada ee soo xulaya xildhibaannada cusub, isagoo xusay in guddigaas oo muujiyay sharaftiisa uu diyaar u yahay inuu diido magacyada dadka caanka ku ah rabshadaha iyo is-hortaagga nabadda.

Ugu dambeyn, danjire Mahiga wuxuu daboolka ka qaaday inay muddo yar ka harsan tahay xilliga la doonayo in lasoo xulo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka, isagoo xusay in xilligan casriga ah aanay jirin meel lagu dhuuman karo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya