4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2012
Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya oo lagu ansixiyay Cod Aqlabiyad ah


Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Ergada ansixinta dastuurka qabyadaha ee Soomaaliya ayaa ku ansixiyay dastuurka cod aqlabiyad ah iyadoo ay jireen xubno ka diiday ansixinta iyo kuwo ka aamusay.

Codeynta oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa waxaa codkooda ka dhiibtay 645 ergay oo ku sugnaa xarunta uu shirka ansixinta ka socday, waxaana 621 ergay oo u dhiganta 96% ay ku codeeyeen HAA, iyadoo sidoo kale ay 13 egay ay iyaguna diideen, kuwaasoo u dhima 2%, waxaa iyagana ka aamusay 11 ergay oo 2% ka noqonaya ergooyinka codeeyay.

Ergooyinka ayaa waxay u codeeyeen su'aal la hordhigay oo ahayd (Si uu waddanku uga baxo xalaadda uu ku sugan yahay, uguna diyaargarowno dib u dhiska dalkeenna, una helno bulsho cadaalad ku dhisan, ma ansixinaa dastuurka KMG ah illaa inta looga ansixinayo afti Qaran].

Natiijada codadka ayaa waxaa ku dhawaaqay Prof. Xuseen Warsame iyo Nimco Axmed oo ka mid ahaa ergooyinka ansixinta dastuurka, waxaana goobta oo dhan camiray sacab iyo heeso ay qaadayeen ergooyinka dastuurka ansixiyay si ay u muujiyaan farxaddooda.


Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa natiijadii kasoo baxday codeynta ergada, iyadoo lagu dhawaaqay in dastuurk uu yahay mid KMG ah inta shacabka Soomaaliyeed ay codkooda u qaadayaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo goobta ka hadlay codeynta kaddib ayaa sheegay in ansixinta maanta ay ku timid dadaal ay xukuumaddu KMG ah ku bixisay sidii dastuurka loo ansixin lahaa.

"Dadaalkii aan muddo hal sano laga joogo ugu istaagnay in Soomaaliya ay dastuur yeelato maanta ayay dhabowday, waxaana uga mahadcelinayaa arrintaas ergada ansixinta dastuurka oo xil gaar ah iska saray inay mas'uuliyadii dusha ka saarnayd ay si wadaniyad iyo islaamnimo ah ay u gutaan," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in markii lasoo billaabay qorsha dastuurka laga faafiyay dacaayado badan, wuxuuna sheegay inay xukuumaddiisa ay howsha ugu horreysay ee ay ku talogashya ay ahayd in la fuilyo afartii qodob ee ku qornaa Roadmap-ka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya