4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe

Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe oo 30-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho.

Booqashada madaxweynaha ayaa waxay salka ku haysaa sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaaladda ammaan ee degmadaas, halkaasoo ay ciidamada dowladda iyo AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab bishii Juun ee sannadkan.

Shariif Sheekh oo ay booqashadiisa ku wehliyeen wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa wuxuu la kulmay waxgaradka degmada, isagoo ka dalbaday inay gacan ku siiyaan ciidamada dowladda sidii ay ammaanka u adkeyn lahaayeen.

"Waxaan uga mahadcelinaynaa shacabka Balcad gacanta ay ka geysteen sidii looga saari lahaa halkan (Balcad) Al-shabaab, waxaana idinka dalbanaynaa inaad sugidda ammaanka gacan ka geysataan," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale, waxgaradkii uu kulanka la qaatay goobta ka hadlay ayaa iyaguna soo dhaweeyay in degmada Balcad ay ka mid noqoto degmooyinka ay dowladda KMG ah ka taliso, waxayna sheegeen inay gacan ka geysan doonaan xaqiijinta ammaanka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda KMG ah ay qorsheynayso inay dib u howlgeliso warshadda dharka ee Balcad, wuxuuna mahad u celiyay dadkii gacanta ka geystay in la badbaadiyo.

Booqashada uu madaxweynuhu ku tagay degmada Balcad ayaa waxay noqnaysaa tii labaad oo uu degmadaas ku tago tan iyo markii ay ciidamada DKMG ah AMISOM kala wareegeen Al-shabaab. Waxayna booqashadan ay kusoo beegmaysaa iyadoo la xusuusto in madaxweynuhu uu laba maalmood ka hor booqday degmada Afgooye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya