4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2012
Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi oo bilowday qaybinta raashin deeq ah oo loogu caawinayo qoysaska saboolka ah
Saraaradda7.jpg

Arbaco, August 01, 2012 (HOL) - Safaarada Soomaalida ayaa bilowday deeq raashin ah oo la gaarsiinayo dadka saboolka ah ee ku nool xaafada Islii ee Soomaalidu ay ku badantahay.

Raashinka oo isugu jira bur,bariis,saliid,ugaali iyo timir ayaa waxaa loo qaybiyay dadka duruufaha adag ku nool, xilli lagu guda jiro bisha Ramadaan ee barakaysan.

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo xoghayaha koowaad ee safaarada Cali Maxamed (Bagadi) oo dadka danyarta ah u qaybiyay deeqdaas oo isugu jirtay mid laga soo aruuriyay dad ganacsato ah iyo mid uu ku deeqay safiirku ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka taajiriinta ah inay u gargaaraan walaalahooda dhibaataysan ee aan heli karin waxay ku afuraan.

Saraaradda6.jpg

Cali Ameerika ayaa tilmaamay in bisha barakaysan ee Ramadaan lagu jiro ayna jiraan kumanaan qoysas Soomaali ah oo aan helin waxay ku afuraan ama ay ku suxuurtaan uuna waajib ka saaranyahay walaalahooda wax ku dhaama.

Qaar kamid ah dadkii deeqdaasi la gaarsiiyay ayaa ka hadlay sidii ugu faraxsanyihiin gargaarka ay u fidisay safaaradooda.

Madiina Cali Xaashi oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay kamid tahay dadka saboolka ah, ayna aad ugu faraxsantahay deeqda lasoo gaarsiiyay oo ay ku tilmaantay inay ku soo aaday xilli ay aad ugu baahnayd.

Saraaradda.jpg
Saraaradda2.jpg
Saraaradda5.jpg
Saraaradda3.jpg
Saraaradda8.jpg
Saraaradda4.jpg

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya