4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2012
Munaasabad dib loogu Howl-gelinayay Ciidamada Booliiska Gobolka Hiiraan oo Maanta lagu qabtay Magaalada Baladweyne

Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Munaasabad siweyn loo soo qaban qaabiyay kana dhacday saldhiga baliiska magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha gobollka Hiiraan, saraakiisha dowladda Itoobiya, iyo taliska ciidamada Jabuuti ee AMISOM.

Munasabada oo aheyd mid dib loogu howlgalinayay ciidamada baliiska gobollka Hiiraan oo si toos ah uga howlgali doona magaalada Baladweyne ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay oo dhamantood ka hadllay muhiimada baliiska iyo sida looga baahan yahay dib u soo celinta nabad-galyada.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay maanta in gobollka Hiiraan ay si toos ah u shaqeynayaan ciidamada baliiska Soomaaliyeed.

"Waqti dheer oo kala danbeyn iyo sharci la’aan ah ayaa la soo maray, laakiin waxaa farxad u ah guud ahaanba bulshada ku dhaqan degmada Baladweyne in maanta ay shaqeynayaan ciidamada baliiska oo la og-yahay yihiin kuwa saldhiga u ah ama aas aaska u ah nabad-galyada,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka.


Waxaa uu ka digay C/fitaax Xassan Afrax in lagu dhax arko magaalada dad shacab ah oo sida uu sheegay ku labisan dareyska ciidamada baliiska ama militariga, maadaama in badan la maqlo in ay jiraan dad sita dareyska ciidamada oo haddana wax yeelo u geysta dadka rayidka ah.

Taliyaha saldhiga baliiska ee maamulka gobollka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahad dhinaciisa hadal jeediyay ayaa sheegay in looga fadhiyo ciidamada baliiska ee maanta dib loo howlgaliyay in ay gacan bir ah ku qabtaan amaanka magaalada, isaga oo sheegay in aan la aqbali doonin iyadoo ay shaqeynayaa baliis falal amaanka ka dhan ah oo dhaca.

"Runtii haddii aynu nahay ciidamada baliiska waxaa naga go’an in aan ka shaqeyno nabad-galyada dadka shacabka ee  ku dhaqan degmada, waxaa shaqeyn doonaa dadka oo hurdaya, waxaana shaqeyn doonaa iyaga oo soo jeeda, fal danbiyeedka inta uusan dhicin ayaa xooga saari doonaan in aan ka hor tango, haddii uu dhaco sidoo kale dabgal deg deg ah ayaan sameyn doonaa si loo soo qabto ama loo helo cidii ka danbeysa,’’ ayuu yiri, taliyaha saldhiga baliiska degmada Baladweyne,’’ Cali Dhuux Cabdi Mahad.

Mid ka mid saraakiisha taliska ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo ka hadllay munaasabada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeyb-galka munaasabada dib loogu howlgalinayo ciidamada baliiska gobollka Hiiraan, waxaana uu kula dardaarmay in ay shaqadooda u gutaan si wanaagsan.

Ku xigeenka arrimaha nabad-galyada ee gobollka Axmed Cismaan C/dalla Inji oo ka hadllay goobta ayaa sheegay in ka shaqeynta nabad-galyadu aheyn mid cid gaar ah mas’uuliyad ka saaran tahay, loona baahan yahay in guud ahaan bulshada magaaladu ka wada shaqeyso, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in si gaar ah maamulku mas’uul uga hayay arinta ku saabsan soo celinta amniga.


Guud ahaan mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiishii kala duwaneyd ee ka hadashay munaasabada lagu qabtay saldhiga baliiska degmada Baladweyne waxaa ay isla wada qireen baahida loo qabo nabad-galyada, iyaga oo sheegay in haddii aysan jirin ciidamo baliis ah adag tahay in la hello nabad-galyo buuxda.

Ugu dambeytii, guddoomiyaha gobollka Hiiraan oo ay la  socdaan saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM waxaa ay socod ku mareen bartamaha degmada, gaar ahaan goobaha ganacsiga iyaga oo u muuqday kuwo u guur-galaya xaalada magaalada iyo sida ganacsigu u socdo.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne Soomaaliya