4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2012
Sanad-guuradii 14-aad ee kasoo Wareegtey Asaaskii Puntland oo si weyn looga xusay Dhamaan Deegaanada Puntland

Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Dhammaan deegaananda Puntland waxaa maanta si weyn looga xusay, 1-da August oo ku beegan sanad guuradii 14-aad ee kasoo wareegtey xiligii dhidibada loo taagay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanadkii 1998.

Munaasabad balaaran oo ka dhacday fagaaraha (Barxadda) ee Garoowe ayaa waxaa kasoo qayb galay  madaxda ugu sareysa Puntland oo ay ugu horeeyeen madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo ku-xigeenkiisa Gen. Cabdisamed Cali Shire.

Sidoo kale waxaa xuska sanad guurada 14-aad ee asaaskii Puntland kasoo qayb galay xubno ka tirsan goleyaasha wasiirada iyo baarlamaanka, saraakiisha ciidamada iyo kumanaan qof oo ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada sida: ardeyda, ururada dhalinyarada, haweenka iyo shaqaalaha.

Cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo isugu jirey: Daraawiish, Mariinis iyo Boolis ayaa gaada ka ciyaar ku sameeyey fagaaraha barxadda, iyagoo sidoo kale salaan sharaf u saaray madaxweynaha iyo madaxdii kale ee madasha ku sugnaa.

Madaxweynaha oo socod ku maray inta u dhexeysa aqalka madaxtooyada iyo fagaaraha (Barxadda) ayaa intaas kadib si kooban bulshada ula hadlay, wuxuuna ugu hanbalyeeyey 14 guurada kasoo wareegtey xiligii maamulka Puntland la dhisay.


"ilaahey waxan ka baryayaa in uu sanadkan sanadkiisa xiga nagu gaarsiiyo nabad iyo horumar, hadal badan halkan ka oran mayo, hadalkii xuska 1-da August caawa ayaa la jeedin doonaa, waxan idin leeyahay hanbalyo hanbalyo hanbalyo" Madaxweyne Faroole ayaa yiri

Inkasta oo xuska asaaskii Puntland uu sanadkan iyo kii ka horeeyeyba kusoo beegmay xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaa hadana si weyn looga xusay inta badan magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida: Boosaaso, Qardho, Badhan, Gaalkacayo iyo Dhahar.

Si kastaba ha ahaatee 1-8-2012 oo ay Puntland 14-sano jirsatey ayaa kusoo beegantay xilli maanta cod aqlabiyad leh lagu ansixiyey dastuurka cusub ee dalka, kadib markii uu in badan dib uga dhacay wakhtigii horay ansixintiisa loo qorsheeyey.









Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya