4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2012
Dagaal sacaado socday oo Ciidamada DKMG, kuwa Kenya iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Goblka Gedo

Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada dowladda KMG ah, kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmarya deegaanka Faafax-dhuun ee gobolka Gedo.

Dagaalkan oo qarxay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerareen deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa waxay Al-shabaab oo ka hadashay sheegtay inay gudaha u galeen deegaankaas oo ay gacanta ku hayeen ciidamada dowladda KMG ha iyo kuwa Kenya oo ku biiray AMISOM.

"Mujaahidiintu waxay gudaha u galeen deegaanka Faafax-dhuun," ayaa laga soo xigtay saraakiil u hadlay Al-shabaab, iyadoo aysan jrin weli hadal kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah iyo AMISOM.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan ka wadeen gobollada Koonfurta Soomaaliya weerarro ay ku qaadayaan saldhigyada ay ciidamada DKMG ah, kuwa AMISOM iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan agagaaraha deegaanka Faafax-dhuun oo uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, ayna xoogagga Al-shabaab gudaha u galeen deegaankaas.

Gobolka Gedo oo ku yaalla Koonfurta fog ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacayay dagaallo toddobaadyadii ugu dambeeyay, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya ee Kenya iyo Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya