4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2012
Xoogagga Al-shabaab oo Caawa isaga baxay Magaalada Kismaayo

Jimco, September 28, 2012 (HOL) - Xoogagga Al-shabaab ayaa caawa gabi ahaanba isaga huleelay magaalada Kismaayo, kadib markii ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ay dhowr jiho kasoo weerareen magaalada.

Gadiid nooca dagaalka iyo ciidamo aad u tiro badan oo katirsan Al-shabaab ayaa caawa la arkayay iyaguu u baxay dhanka dhulka howdka ah ee galbeedka magaalada Kismaayo, waxaana ilaa imika la garanayn halka ay qabteen ciidamadaasi.

“Ciidamadoodii iyo gaadiidkii oo dhan way kala baxeen magaalada, waxayna mareen wadada aado dhanka Sacmoojo,” sidaa waxa yiri goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo.

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa ku sugan nawaaxiga madaxtooyada ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ka sameysteen difaacyo waaweyn, waxaana jawiga magaalada Kismaayo uu caawa yahay mid aad u kacsan.

Dhanka dekedda Kismaayo ayaa la sheegayaa in ay soo gaareen Maraakiib nooca dagaalka ah oo sida ciidamo kuwaasoo ay leedahay dowladda Kenya, mana jiraan wax iska horimaad ah oo caawa ka dhacay gudaha magaalada marka laga reebo madaafiic maqribkii laga maqlayay qeybo katirsan magaalada kuwaasoo markii danbe joogsaday.

Magaalada Kismaayo ayaa imika haawaneysa, waxayna cabsi lasoo darastay shacabka reer Kismaayo, maadaama ay magaaladu ka baxeen Al-shabaab ciidamadii kalena aysan soo gaarin.

Wixii kusoo kordha wararkaasi dib ayaan idinka soo gudbin doonaa Insh’allah

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya