4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2012
Wararkii ugu Danbeeyey ee Xaaladda Magaalada Kismaayo

Jimco, 28, 2012 (HOL) - Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa ah mid kacsan iyadoona ciidamada huwanta ah iyo kuwa Al-shabaab ay isku horfadhiyaan halka loo yaqaan Madaxtooyada  oo ku taal afaafka hore ee laga soo galo magaalada Kismaayo.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo HOL u waramay ayaa sheegay in xaaladda ay tahay mid aad u cakiran islamarkaasina la arkayo gaadiidka Tiknikada loo yaqaan iyo askar fara badan oo katirsan Al-shabaab oo dhexwareegaya magaalada, waxaana xoogagga Al-shabaab ay ciidamo xooggan isugu geeyeen xaafadaha siinaay iyo buulo-abliko oo ku yaal waqooyiga magaalda Kismaayo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo aad u tiro badan islamarkaasina ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in ay Xeebta Kibooro ilaa nawaaxiga madaxtooyada iyadoona ciidamada huwanta ah ay halkaasi ka sameysteen difaacyo xooggan.

"Duhurkii ayuu mar dagaal qarxay laakiin daqiiqado kadib wuu istaagay, waxaana labada ciidan ay isu jiraan wax yar, laakiin waxaa madaafiic laga maqlayaa dhanka xeebta Kibooro," sidaa waxaa yiri goobjooge ku sugan Kismaayo oo HOL u waramay.

Xaaladda magaalada ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dadku ay ku jiraan guryahooda iyagoo aad uga welwelsan marxaladda dagaal ee soo foodsaartay Kismaayo, waxaana dadka ay garan la'yihiin meel ay aadaan madaama wadooyinkii magaalada looga baxay ay yihiin halka ay ciidamadu isku horfadhiyaan.

Dhinaca kale dagaal xooggan ayaa lagu soo waramayaa in uu maanta ka qarxay deegaanka Birta Dheer, waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi uu sababay khasaarooyin xooggan oo kala gaaray labada dhinac walow aan la garanayn tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan haseyeeshee waxay sheegeen in ay soo baacsadeen xoogaggii Al-shabaab islamarkaasina ay haatan ku suganyihiin deegaanka Canjeel oo qiyaastii 30 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Saraakiil u hadashay Al-shabab ayaa iyaguna dhankooda guulo ka sheegtay dagaalkaasi, iyagoona sheegay in ay dagaalkii maanta ku gubeen laba gaadiid oo nooca dagalka ah oo ay leedahay dowladda Kenya.

Wararkii ugu danbeeyay ee xiisadaha ka taagan gobolka Jubada Hoose waxaad uga bogan doontaan wararkeena danbe Insh'allah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya