4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2012
Khubaradii baaritaanka ku hayay gabood-falladii ay dowladdii Kacaanku geysatay oo soo bandhigay warbixin xaqiijinaya wixii dhacay

Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Khubaradii caalamiga ahaa ee  ka socotay ururka EPAF ee Baadha  xasuuqyadda caalamka ka dhaca, ayaa soo gabogabaysay xabaal-wadareedyado ay muddo bil ah ka baadhayeen koonfurta magaaladda Hargeysa, iyagoo qalfoofkii dadkaasi la laayey isku ururiyeen, isla markaana 38 qof oo ku jiray xabaashaasi qof walba xubnihii lafihiisa isku habeeyey  si loo garto cida uu yahay iyo eheladoodda.

Khabiiradan oo iskugu jiray kuwa ku takhasusay lafaha bani’aadamka iyo khabiiro militari oo baadhayey rasaas loo adeegsaday iyo cadaymo muujinaya qof walba inta rasaas ee lagu riday, ayaa soo bandhigay wixii ay heleen, waxaana  hawsha ku wehelinayey  arday ka kala socotay jaamacado Maraykanka ku yaal iyo ardayda jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo wax ka baranayey qaabka loo baadho lafaha bani’aadamka, waxaanay khabiiradani sheegeen inay qalfoofada ay baadheen cadayn u tahay xasuuq baahsan oo dhacay, isla markaana si naxariis daro loo laayey hal meelna loogu wada duugay.

Sidoo kale, waxa ay soo bandhigeen dharkii ay xidhnaayeen dadkaasi la laayey oo ay ku yaalaan qof walba inta xabadood ee lagu riday, iyagoo soo bandhigay mid ka mid ah dadkan la laayey in  25 xabadood lagu dhuftay, isla markaana rasaasta lagaga dhuftay inta lawga ka saraysa ilaa caloosha inta u dhexeysa, taas oo muujinaysa qaabka loo laayey.


Gudoomiyaha guddida baadhitaanka Xasuuqa Khadar Like, ayaa sheegay in baadhitaanka khuburadu samaysay wax badan ka tari doona in la ogaado qof kasta eheladooda iyo dadkii dhibta gaystay in maxkamado caalami ah la saaro.

“ xabaashan waxa laga soo helay 38 qof, waxayna  cadeeyeen sidii loo dilay inay ahayd xasuuq, si naxariis daro ahna rasaas loogu furay loona duugay, waxa kale oo ay muujiyeen qof kasta intii rasaas ahaa ee ku dhacday iyo sidii loo dilay””ayuu yidhi gudoomiyaha guddida daba galka xasuuqa ee somaliland Khadar Like, waxaanu sheegay eheladii dadkan dhintay  la helay.

 Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in baadhitaanka lafaha ay ka faa’iidaysteen qaar ka mid ah ardayda jaamcadaha dalka dhigata, gaar ahaan kuuliyadda sayniska iyo tiknoolajiga,kuwaas oo fursad fiican ka helay qaabka wax loo baadho iyo cilmiga ku duugan baadhitaanka lafaha bani’daamka.


Khabiirkii hawshan baadhayey Mr: Franco Mora oo ka socday shirkadda EPAF ee baadha lafaha bani’aadama  oo hore usoo baadhay xabaalo wadaredyo sidanoo kale ah, ayaa sheegay in qalfoofada ay heleen markhaati cad u tahay qaabka waxa u dhaceen iyo dadkaasi sida loo laayey.

“halkan waxaad ku aragta qalfoofkii dadkii la laayey ( isagoo tilmaamaya qalfoof horyaallay),  waanad aragta qof waliba in aanu isku gaynay lafihiisii oo dhan, taas oo la garan karo qof waliba dhererkiisa, baadhitaan badan oo aanu samaynay waxna noo hadhsan yahay, waxaanu ku ogaanay qaabka naxariis darada ah ee dadkan loo laayey, waxaanu soo ururinay qofkasta xubnihii lafahiisa oo aanu isku keenay si loo aqoonsado qofkasta oo dhintay  eheladoodii”ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray “imika qalfoofkani (qalfoof hor yaalay) waa nin Illiga hore ka maqan yahay, laakiin ilkiisa hoose ay qaarkood lahaayeen saqaf, saqafkiina waan kan ag yaalla, marka xubnahana waxaad ka arkaysaa qofka dhererkiisa iyo nooca u ahaa, imika waxa halkan noogu yimid qaraabadii dadkan oo noo sheegay tilmaamtii uu lahaa qofka ka maqan, tusaale ahaan gabadh baa noo sheegtay in ninkeedda ku jiray dadkan la xasuuqay waxaanay sheegtay in iliga hore aanu lahayn, ilkaha hoosana saqaf ku jireen, markii aanu dhamaystirnay xubnihiisa waanu helnay qofka uu yahay, waana qalfoofkan aynu dul taaganahay, kiisas aanu wax badan aanu qiimanay ama gudagalnahay sida loo laayey waxaad arkaysa in dadka laga leeyahay inta u dhexeysa bawdadda ilaa caloosha oo rasaas badan lala dhacay, waxa kale oo halkan yaalla mid kamid ah dadkan dhintay dharkii uu xidhnaa waxa ku yaalla 25 xabadood oo rasaas, calaamadahan aanu ku dhajinay waxay tilmaamayaan waa rasaasta lagu furay ninkan dhintay”ayuu raaciyey  khabiirku.


 Khabiirku waxa uu sheegay in kiisaskii ay baadheen dadkan la laayey ay da’doodu aad u kala duwan yihiin, waxaanu sheegay in afar bilood ka dib ay soo noqon doonaan si ay hawshoodda usii wataan,isagoo tilmaamay in arrintani ay ahayd xasuuq weyn oo caalamka iyo hay’adaha xaquuqda aadamaha u dooda loo bandhigi doonaa, isla markaana markhaati cad u tahay in maxkamadda lagu soo oogo dadkii dadkan sida naxariista leh u laayey, balse ay iyagu yihiin uun inay xaqiijiyaan wixii dhacay .

Sidoo kale, waxa isna khuburadan la socday khabiir ku takhasuusay militariga iyo hubka, isagoo isna eegay rasaas lagu laayey nooca ay ahayd, iyagoo xusay rasaasta loo adeegsaday inay noocyo kala duwan ay ahayd, qaybo ka mid ahna ay heleen.

Sidoo kale, ardayda dhigata jaamacada Hargeysa gaar ahaana kuuliyada sayniska, ayaa sheegay inay cilmi badan ka barteen faa’iido badana ka helaan baadhitaanka aqoonsiga lafaha bani’aadamka, iyagoo sheegay in aanay dalka aanay ka jirin meelo lagu barto baadhitaanaha lafaha bani’aadamka, jaamacada Hargeysana guul u tahay aqoontan ay barteen oo ay dalka uga faa’iidayn doonaan.

Khuburadan ayaa u mahadnaqay hoteelka ay degan yihin ee ADAM’S INN HOTEL oo hoolkiisa shirarka u ogolaaday inay ku shaqaystaan oo lafaha iyo qalfoofka dadkan ay xabaasha ka soo saareen ku habaystaan kuna ururiyaan, waxaanay qof kasta lafihiisa u sameeyey kartoomo lagu ururiyo, iyadoo hadhow sidii shareecaddu tidhi xabaalo u gooniya loo samayn doonno.



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland