4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo Xariga ka jaray war-laliye sahlaya in Raadiyo Hargeysa laga dhageysto Adduunka oo dhan

Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xadhiga ka jaray balaadhinta baahintii  Idaacada Radio Hargeysa oo lagu rakibay War-laliye weyn oo dunida laga dhagaysan doono, kaas oo wax ka tari doona baahidda loo qabay dhagaysiga Idaacadda Radio Hargeysa oo labaatankii sanadood ee u dambeeyey aan dhaafin dhagaysigeeddu magaaladda Hargeysa iyo agagaarkeedda.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyey furitaanka Idaacadan oo ka dhacday xarunta Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka  iyo wacyi galinta Somaliland, ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin badan oo iskugu jira madaxweynaha, wasiirro , shirgudoonka baarlamaanka iyo marti sharaf kale oo badan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ahmiyad weyn u tahay Somaliland in la helo Idaacad dunida wada gaadho oo xogta lagu kala helo, isla markaana dawladdu umaddeeda wax ugu sheegi karto, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ farxad waxa ii ah in aan ka soo qaybgalo xafladan Radio Hargeysa lagu baahinayo oo uu gaadhayo dunida oo dhan, Raadiyuhu waa shayga ugu fiican ee dawladdu wax ugu sheegi karto dadkeeda, dunida kalana uga warami karto waxay qabsatay iyo waxay taransatay”ayuu yidhi


Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo waxa uu sheegay in cidii wax ka qabatay  hawlgalinta dhamaystirka baahinta idaacada uu u mahadnaqayo iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad), ayaa sheegay 25 sanno ka dib la helay idaacad weyn oo aduunka oo dhan laga dhagaysan doono, kaas oo wax ka tari doona isku xidhnaanta bulshadda Somaliland iyo dunida kale.

Radio Hargeysa ayaa ah idaacadii ugu horaysay ee af soomaali lagaga hadlo, waxaana hirgaliyey dawladii Ingiriiska,haseyeeshee waxa maanta loo keenay war laliye aad u weyn oo la sheegay inay gaadhi doonto dunida inteedda kale.


War laliyahan ayaa muddo afar sanadood ahba ku jirtay miisaaniyadda Somaliland, iyadoo mar walba la odhan jiray waa la soo iibiyaan, taas oo dadweyne badan oo ku dhaqan gobolada niyad jab ku riday, maadaama oo aanay idaacadu dhaafin jirin magaaladda Hargeysa, haseyeshee idaacadan xadhiga laga jaray ayaa laga dhagaysan doona mawjadaha dhexe ee 41 MHZ oo qaarado badan laga maqli doono.








Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland