3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2012
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Kenya oo aan weli gudaha u gelin Kismaayo iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo hakad ku jira
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa maalintii sedexaad ku sugan daafaha magaalada Kismaayo, iyadoona ay arintaasi keentay in dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran uu hakad galo.

Ciidamada huwanta ah ayaa dhanka waqooyi ee magaalada Kismaayo uga sugan nawaaxiga Madaxtooyada, halka dhanka galbeedkana ciidamadii joogay Birta dheer ay soo gaareen tuulo loo yaqaan Buulo Fatuuro oo ku taal afaafka hore ee laga soo galo magaalada, waxaana labada ciidan ay goobahaasi ka sameysteen dhufeesyo.

Xaaladda Kismaayo ayaa weli laga dareemayaa jawi kacsanaan ah, waxaana xiran iskuulaadkii magaalada iyo qaar kamid ah goobaha ganacsi, waxaana dadku ay yihiin kuwo dareen ku joog ah islamarkaasina isweeydinaya “ciidamadii halkay soo marayaan, iyo maxaa la sheegay”.

Ma jirto cid maanta lagu dilay gudaha magaalada, haseyeeshee magaalada ayaa weli maamul la'aan ah waxaana dadku guryahooda ku xaroodaan saaalada maqrib marka la tukado iyagoo ka cabsi qaba in ay saameeyaan falalka amni darro ee magaalada ka dhaca.

“Magaalada weli way qasantahay, qudaartii ka iman jirtay deegaanada Gosha way istaagtay, iskuulaadkii magaaladana weli way xiranyihiin,” sidaa waxa yiri Axmed C/laahi Faarax oo kamid ah dadka reer Kismaayo.

Saraakiisha dowladda KMG ayaa hore shaaca uga qaaday in aysan ku degdegi doonin gelitaanka magaalada Kismaayo, waxaana ay ciidamadu weli ku suganyihiin daafaha magaalada, mana la garanayo xilliga ay geli doonaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya












Click here
10/1/2012 10:31 AM EST
Isniin, October, 01, 2012 (HOL)- Alla ha u naxariistee waxa xalay dalka Norway ku geeriyooday abwaankii caanka ahaa Maxamed Xaashi Dhaamac Gaariye oo billihii u dambeeyey ku xanuunsanayey dalkaasi.

10/1/2012 9:51 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Taliyaha hay'adda nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Axmed Ereg ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho ay adkeeyeen kadidb markii ay howlgallo isdaba-joog ah ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir.

10/1/2012 8:31 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya ayaa goordhawayd gudaha u galay magaalada Kismaayo iyadoona ay ciidamadu magaalada kasoo galeen dhowr jiho.

10/1/2012 8:21 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor-dhaw ku toogtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan nabadoon caan ka ahaa Baladweyne.

10/1/2012 6:49 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Kaddib markii ay ciidamada dowladda Itoobiya iyo AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ka baxeen saldhigyadii ay ka daganaayeen magaalada Baladweyne, waxaa arintaa ka hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

10/1/2012 4:17 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ajnadaha ugu horreeya ee baarlamaanku uu ka doodi doono uu yahay dastuurka cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay dib u eegis ay ku sameyn doonaan qodobbada dastuurka oo dhan.

10/1/2012 3:36 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Gaarisa oo ah xarunta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya, iyagoo ay u suurogashay inay ka baxsadaan goobta markii ay dilka askarta fuliyeen.

10/1/2012 3:12 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xildhibaanno ah ayaa u dhoofay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay halkaasoo ay maanta kulammo kula yeelanayana maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo AMISOM ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.