![]() |
"Labadan askari madaxa ayaa laga toogtay wayna geeriyoodeen. Ma garan karno cidda dilkooda ka dambeysa balse waxaa socda baaritaanno," ayuu laga soo xigtay guddoomiyaha degmada Gaarisa.
Taliye ku xigeenka booliiska magaalada Gaarisa, Herman Ndiema ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka lagu dilay ciidamada booliiska ay uga shakisan yihiin xubno Al-shabaab xiriir la leh.
"Weerarka lagu dilay labada askari ee booliiska Kenya ka tirsan waxaa fuliyay xubno Al-shabaab ka tirsan, waxaana socda baaritaanno lagu doonayo in lagu soo helo," ayuu yiri Ndiema oo intaas ku daray inay u suurogashay inay isla xalay soo helaan qoryihii laga furtay askarta la dilay.
Dhanka kale, afhayeenka booliiska Kenya, Charles Owino ayaa isaguna sheegay inay dhowr qof u qabqabteen qarax bambaano oo shalay lagu weeraray Kaniisad ku taalla magaalada Nairobi, taasoo uu ku dhintay wiil sagaal jir ah, dhowr caruur ahna ay ku dhaawacmeen.
"Weerarka wuxuu ahaa mid ay Al-shabaab ka dambeysay, waxaana fulinay xubno u jooga Kenya. Dad badan ayaa weerarkan loo qabqabtay baaritaanno ayaana ku socda," ayuu yiri Owino.
Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin weerarrada ka dhacay Gaarisa iyo Nairobi, iyadoo weerarradan ay imaanayaan xilli ay ciidamada Kenya qarka u saaran yihiin inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
