Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee degmada Baardheere ayaa sheegay inay saaka gacanta ku dhigeen labo dhalinyaro oo ka yimid dhinaca degmada Mandheera ee dalka Kenya, kuwaasoo ay ku sheegeen inay yihiin basaasiin u adeegaya Kenya.
Labada dhallinyarada ah ayaa la qabtay iyagoo gaadiid ka raacay degmada waxay ciidammo ka tirsan Al-shabaab ku qabeen duleedka degmadaas iyagoo geeyay xabsi ay ku leeyihiin gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
"Dhallinyarada waa kuwo deegaanka ku cusub oo aan muddo raadkooda ku joognay, waxaan uga shakisannahay inay yihiin jawaasiin, balse baaritaanno ayaa ku sameyn doonnaa," ayuu yiri mas'ulka u qaabilsan Al-shabaab degmada Baardheere, Barre Qooje oo la hadlyay Radi Andulus oo ku hadla afka Al-shabaab.
Sidoo kale, mas'uulku wuxuu sheegay in haddii uu dambi ku caddaado dabiga loo haysto waxaan marsiin doonnaa sharciga Islaamka; haddii dambiga lagu waayana waa lasii dayn doonaa.
Wararka laga helayo degmada Baardheere ayaa waxay sheegayaan in dhallinyarada la qabtay ay ku socdeen magaalada Muqdisho ayna ahaayeen arday wax ka baran jiray iskuullada degmada Mandheera ku yaalla, iyagoo dhowr maalmood ku sugnaa degmada Baardheere.
Xarakada Al-Shabaab oo ka talisa deegaanno badan oo ka tirsan Soomaaliya ayaa horay dilal ugu geystay dhallinyaro ay ku eedeeyeen inay basaasiin u yihiin Kenya, dowladda Soomaaliya iyo dalalka kale ee reer galbeedka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Al-shabaab oo Dhalinyaro ay ku eedeysay inay basaasiin yihiin ku qabatay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo
More News
- Madaxweeynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu Hogaaminayay oo si Diiran loogu soo Dhaweeyay Dalka Itoobiya
- Madaxweynaha Somalia oo sheegay in sababta Jabuuti ay u booqdeen ay tahay inay tusaale ka dhigaan sida uu dalkaas u shaqenayo
- Dadweynaha Somaliland oo safaf dhaa-dheer ugu jira Goobaha Codadka laga bixinayo iyo Madaxweynaha oo Codkiisii Dhiibtay
- Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Balad-Xaawo
- Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Madaxweynaha Somaliland ka Raalli-geliyay Qoraal Xafiiskiisa kasoo baxay
- Maamulka Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir oo sheegay inay deegaankooda ka qaadeen Isbaarooyinka
- Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti iyagoo kawada hadlay Iskaashiga labada dal
- Hay'adda ICRC oo Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ka qaybisay gargaar isugu jiray Raashiin iyo Abuurka Beeraha
- Qof Hubeysan oo Dad Rayid ah Xalay ku Dillay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan