Axad, November 25, 2012 (HOL) —Faahfahain dheeri ah ayaa kazoo baxeyso laba qarax oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.
Qaraxii hore oo la sheegay in uu ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa dhacay iridda laga galo xarunta degmadakismaayo, waxaana lala damacsanaa gudoomiyaha degmada oo xiligaasi yimid.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in qaraxii hore uu sababay dhaawac hal nin iyo dhimashada qof dumar ah taasoo ay dishay rasaastii ay furayeen ciidamada dowladda.
Waxyar kadib ayaa hadana laba qarax oo deg-deg ah waxa ay ka dhaceen goob maqaayad ah oo kutaal Hotel Xareed Yarow oo kuyaal xaafadda Aargada, waxaana qaraxani danbe uu sababay khasaarooyin lixaad leh.
Qaraxan ayaa xilligii uu dhacayay waxaa maqaayada ku sugnaa ciidamo katirsan kuwa dowladda iyo dad rayid ah, waxaana maqaayadani ay kamid ahayd goobaha laga shaaheeyo ee aadka u mashquulka badan.
“Qarax xooggan ayaa markii hore ka dhacay maqaaxida, waxyar kadib hadana mid kale ayaa dhacay, waxaana u maleynayaa in kan danbe uu ahaa bambo meesha lagutuuray,” ayuu yiri Xasan C/laahi oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay.
Col Ismaaciil koofi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee jubooyinka oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen laba qarax oo ka kala dhacay xarunta degmada iyo goob maqaaxi ah, wuxuuna sheegay in ay ku dhinteen laba qof, todobo kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo.
Qaraxyadan ayuu ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan xoogagga Al-shabaab, haseyeeshee ilaa imika ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan arintaasi.
Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaanno la xiriira qaraxyada, wuxuuna xusay in dadka qaraxyada ku waxyeeloobay ay u badanyihiin dad rayid ah.
Hiiraan Online, News Desk.
Faahfaahin ku saabasn Laba Qarax oo ka dhacay Magaalada Kismaayo
More News
- Madaxweynaha oo Ciidamada Qalabka Sida uga Digay Dhibaateynta Shacabka
- Taliyaha Ciidamada AMISOM oo Maanta Booqday Magaalada Baladweyne
- Ciidanka Amniga Somaliland oo xabsiga u taxaabay Sheikh Maxamuud Geelle oo hore ugu Dhawaaqay urur Diimeed
- Qof ku dhintay is-rasaaseyn ka dhacday magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan
- Xildhibaankii seddexaad oo Soomaali ah oo ka mid noqday Baarlamaanka Dalka Sweden
- Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo gaaray deegaanno ku dhow Degmada Jowhar
- Faahfaahin ku saabsan Khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo
- Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta Somalia oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagay Dekedda weyn ee Muqdisho (SAWIRRO)
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in lasoo dhameystiray Qorshihii lagula Wareegi lahaa Qeybaha kale ee Gobolka
- Qarax Xooggan oo Ka Dhacay Xarunta Degmada Kismaayo
- Dib u habeyn lagu sameynayo Waaxyaha Wasaaradda Arrimahah Dibadda iyo safaaradaha Soomaaliya ee Caalamka
- Wasiirka Gaashaaandhigga Somalia oo sheegtay in Dowladdu aysan awood u lahayn inay la dagaalanto Al-shabaab