Axad, November 25, 2012 (HOL) —Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Qarax ka dhacay gudaha xarunta degmada Kismaayo, iyadoona qaraxu ahaa mid aad u xooggan.
Ilaa imika lama garanayo waxa sababay qaraxa, waxaana goobjooge ku sugnaa nawaaxiga xarunta Degmada uu HOL u sheegay in uu arkayay qaac iyo uuro ka baxeysa xarunta degmada.
Xiligii uu qaraxa dhacayay ayaa waxa si toos ah u shaqeynayay dhamaan xafiisyada kala duwan ee xarunta degmada Kismaayo, waxaana sidoo kale ku sugnaa gudaha xarunta dad badan oo howlo ka lahaa degmada.
Wadooyinka mara xarunta degmada Kismaayo ayaa waxa imika xiray ciidamada dowladda iyadoona loo diiday dadka iyo gadiidka in ay isticmaalaan. Waxaana sidoo kale gudaha magaalada laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada dowladda.
Lama garanayo khasaaraha ka dhashay qaraxa, mana jiraan masuuliyiin katirsan kuwa dowladda iyo Raaskaambooni oo faahfaahin ka bixiyay.
Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya aya la wareegeen gacan ku heynta Kismaayo waxa isa soo tarayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ka dhaca magaalada, iyadoona ay xusid mudantahay in aalaaba aan lagu guuleysan in gacanta lagu dhigo kooxaha falalkaasi ka danbeeya.
Hiiraan Online, News Desk.
Qarax Xooggan oo Ka Dhacay Xarunta Degmada Kismaayo
More News
- Madaxweynaha oo Ciidamada Qalabka Sida uga Digay Dhibaateynta Shacabka
- Taliyaha Ciidamada AMISOM oo Maanta Booqday Magaalada Baladweyne
- Ciidanka Amniga Somaliland oo xabsiga u taxaabay Sheikh Maxamuud Geelle oo hore ugu Dhawaaqay urur Diimeed
- Qof ku dhintay is-rasaaseyn ka dhacday magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan
- Faahfaahin ku saabasn Laba Qarax oo ka dhacay Magaalada Kismaayo
- Xildhibaankii seddexaad oo Soomaali ah oo ka mid noqday Baarlamaanka Dalka Sweden
- Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo gaaray deegaanno ku dhow Degmada Jowhar
- Faahfaahin ku saabsan Khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo
- Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta Somalia oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagay Dekedda weyn ee Muqdisho (SAWIRRO)
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in lasoo dhameystiray Qorshihii lagula Wareegi lahaa Qeybaha kale ee Gobolka
- Dib u habeyn lagu sameynayo Waaxyaha Wasaaradda Arrimahah Dibadda iyo safaaradaha Soomaaliya ee Caalamka
- Wasiirka Gaashaaandhigga Somalia oo sheegtay in Dowladdu aysan awood u lahayn inay la dagaalanto Al-shabaab