Axad, November 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 12 ruux oo u badan dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka ayaa ku dhintay dagaal saacado qaatay oo ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray shalay gallinkii dambe degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.
Dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaa qarxay gallinkii dambe ee shalay kasoo socday illaa maqribnimadii, iyadoo Al-shabaab ay muddo kooban la wareegtay gacanta ku haysay degmadaas oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
"Al-shabaab ayaa soo weerartay degmada gallinkii dambe ee shalay illaa maqribkii ayuuna dagaalku socday, ciidamadeennuna waxay ku guuleysteen inay si xoog ah degmada uga saaraan Al-shabaab," ayuu yiri Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid mas'uuliyinta gobolka Gedo.
Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa isaguna sheegay inay dagaalkaas ku dileen in ka badan toban dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, isagoo ku macneeyay gelitaanka Al-shabaab ee degmadaas inay timid kaddib markii ay ogaadeen in ciidamada dowladda meel ka baxsan degmadaas ay diyaargarowe ka wadeen.
Si dhab ah uma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse qiysaasta hadda la helay ayaa waxaa laga soo xigtay dadka deegaanka iyo saraakiil ka tirsan dowladda, iyadoo Al-shabaab ay dhankeeda sheegatay inay dagaalkaas khasaare ku gaarsiisay ciidamadii dowladda ee halkaas ku sugnaa.
"Dagaalyahannada Al-shabaab waxay degmada kasoo galeen dhowr jaho, waxayna soo galeen gudaha, balse ciidamada dowladda ayaa ka hortagay oo dib uga saaray degmada. 12 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay," ayuu yiri Saadaq Cali oo ah qof deggen degmada Balad-xaawo oo AFP la hadlay.
Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo isaguna la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Al-shababa ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid qorsheysan ayna ku qabsadeen degmada Balad-Xaawo, wuxuuna xusay inay iyagu iskood uga baxeen.
"Waxaan dagaalka ka billowday duleedka degmada, mujaahidiinta waxaa u suuro-gashay inay si buuxda ula wareegaan degmada, ugu dambeynna mujaahidiinta si nabad ah ayay uga baxeen degmada markii ay dantooda ka gaareen," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.
Dagaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmay iyadoo ciidamada dowladda iyo AMISOM ay Al-shabaab ka saareen degmooyin badan oo awood ay ku lahaayeen, kuwaasoo ay degmada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Faahfaahin ku saabsan Khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo
More News
- Madaxweynaha oo Ciidamada Qalabka Sida uga Digay Dhibaateynta Shacabka
- Taliyaha Ciidamada AMISOM oo Maanta Booqday Magaalada Baladweyne
- Ciidanka Amniga Somaliland oo xabsiga u taxaabay Sheikh Maxamuud Geelle oo hore ugu Dhawaaqay urur Diimeed
- Qof ku dhintay is-rasaaseyn ka dhacday magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan
- Faahfaahin ku saabasn Laba Qarax oo ka dhacay Magaalada Kismaayo
- Xildhibaankii seddexaad oo Soomaali ah oo ka mid noqday Baarlamaanka Dalka Sweden
- Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo gaaray deegaanno ku dhow Degmada Jowhar
- Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta Somalia oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagay Dekedda weyn ee Muqdisho (SAWIRRO)
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in lasoo dhameystiray Qorshihii lagula Wareegi lahaa Qeybaha kale ee Gobolka
- Qarax Xooggan oo Ka Dhacay Xarunta Degmada Kismaayo
- Dib u habeyn lagu sameynayo Waaxyaha Wasaaradda Arrimahah Dibadda iyo safaaradaha Soomaaliya ee Caalamka
- Wasiirka Gaashaaandhigga Somalia oo sheegtay in Dowladdu aysan awood u lahayn inay la dagaalanto Al-shabaab