Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday laamaha kala duwan ee Qaramada Midoobay.
“Qaramada Mdioobay dadaallo fara badan ayay ku bixisay Soomaaliya, umnadda Soomaaliyeed aad ayay ugu mahad-celinaysaa caawintaas oo socotay labaatankii sanno ee ugu dambeysay. Hadda waxaa loo baahan yahay in Qaramadda Midoobay ay hal meel uga soo jeesato arrimaha Soomaaliya," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka kaddib hadlay.
Madaxwenyanuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in ujeeddada kama dambeysta ah ee dowladda Soomaaliya ay tahay in gargaarka laga gudbo lana wajaho dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in hay’adaha Qaramada Midoobay looga bahan yahay inay hay’ad walba ay la shaqeeyso wasaaradda ay isku howsha yihiin; isagoo tusaale u soo qaatay in hay’adaha WHO oo uu sheegay in looga bahan yahay inay la shaqeyso wasaarada arrimaha bulashada si looga guul-gaaro howlaha horyaalla wasaaraddaas.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday in Hay'adaha kala duwan ee Qaramada ay u soo guuraan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho si ay uga howlgalaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo Hay'adaha Qaramada Midoobay ka Dalbaday inay u soo Guuraan Magaalada Muqdisho
More News
- Kulan looga Hadlayay Ammaanka Xaafadda Islii oo ka Dhacay Magaalada Nairobi [SAWIRRO]
- Dad fara badan oo ku dhaawacmay Rasaas ay Milateriga Kenya ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Bartamaha Gaarisa
- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in ciidamada Dowladdu ay gaari doonaan dhawaan Magaalada Jowhar
- Tababarka loo soo xiray saraakiisha iyo ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid casri ah
- Kooxo hubeysan oo Nabaddoon Caan ahaa ku diley Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Cambaareeyay Qaraxii ay ku dhinteen dadka rayidka ah ee ka dhacay Nairobi
- Nabaddoon lagu caleemo saaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
- Xaaladda Magaalada Gaarisa oo kacsan iyo suuqii weynaa ee Magaaladaas oo gabi ahaan gubtay
- Xaaladda Islii oo Saaka Dagan iyo Ganacsigii oo Dib u Furmay