Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay weerar bambaano oo Axaddii lagu qaaday gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay bartamaha Nairobi, weerarkaas oo ay ku dhinteen sagaal qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 30-qof oo kale.
Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray ehellada iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay weerarkaas, isagoo sidoo kalena caafimaad u bayay intii uu dhaawaca kasoo gaaray.
"Argagaxisadu waa dhaqdhaqaaq inta badan ku kaca falal ay ku dhibaateynayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan," ayuu yiri ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in falkii ka dhacay Nairobi uu ahaa mid aad looga xumaado.
Madxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay naftooda ku bixinayaan sidii ay u soo celin lahaayeen nabadda iyo ammaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in falalka argagaxiso ee noocan oo kale ah aysan xagal-daacin doonin howsha ay ciidamadaas ka hayaan Soomaaliya iyo sidoo kale xiriirka labada xukuumadood u dhexeeya.
Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed ay tusayaan kalsooni adag walaalahooda Kenya xilligan ay ku jiraan murugada Qaran.
Ugu dambeyn madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa kusoo afjaray: "Dhab ahaantii, falkan argagaxiso ma ahan mid dib u dhigaya dadaalka ay ku jiraan shacabka dalka Kenya iyo dowladdooda."
Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarka lagu dilay dadka shacabka ah ee la socday gaariga rakaabka qaada, waxaase saraakiisha Kenya ay falkan ku eedeeyeen Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo Cambaareeyay Qaraxii ay ku dhinteen dadka rayidka ah ee ka dhacay Nairobi
More News
- Kulan looga Hadlayay Ammaanka Xaafadda Islii oo ka Dhacay Magaalada Nairobi [SAWIRRO]
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Hay'adaha Qaramada Midoobay ka Dalbaday inay u soo Guuraan Magaalada Muqdisho
- Dad fara badan oo ku dhaawacmay Rasaas ay Milateriga Kenya ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Bartamaha Gaarisa
- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in ciidamada Dowladdu ay gaari doonaan dhawaan Magaalada Jowhar
- Tababarka loo soo xiray saraakiisha iyo ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid casri ah
- Kooxo hubeysan oo Nabaddoon Caan ahaa ku diley Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug
- Nabaddoon lagu caleemo saaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
- Xaaladda Magaalada Gaarisa oo kacsan iyo suuqii weynaa ee Magaaladaas oo gabi ahaan gubtay
- Xaaladda Islii oo Saaka Dagan iyo Ganacsigii oo Dib u Furmay