4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2012
Kooxo hubeysan oo Nabaddoon Caan ahaa ku diley Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug

Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug waxaa xalay lagu diley Nabad-doon  si weyn loo yaqaaney , laguna magacaabi jirey Aadan Faarax Dheere. Rag Baaskoolado ku hubeysnaa oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa la sheegay in ay toogteen.

Nabad-doonka oo sidoo kale ku jirey ganacsatada gobolka Mudug, waxaa la diley isaga oo kusii jeeda gurigiisa xilli uu salaaddii cishaha kadib kasoo baxay masjidka Salaaxuddiin ee xaafadda Garsoor ee waqooyiga Gaalkacayo

Lama oga sababta ka danbeysey dilka Nabad-doon Aadan Faarax Dheere, waxaana isla goobta ku dhaawacmay nin kale, kaas oo lagu soo waramayo in xaaladdiisu ay adag tahay, maadaama dhaawaca soo gaarey uu ahaa mid culus.

Dhinaca kale waxaa duleedka Gaalkacayo shalay laga afduubtay 5-nin oo kayimid degmada Gal-dogob kuna soo jeedey dhinaca magaalada Gaalkacayo. Sababta raggan loo qafaashay iyo weliba cidda ka danbeysey ayaa waxaa kasoo baxaya warar badan oo is-khilaafsan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arintani ay xiriir la leedahay rag lagu soo eedeeyey in ay xubno sare ka yihiin xarakada Al-shabaab oo ay 3 beri kahor ciidamada ammaanka ee Puntland magaalada Gaalkacayo ku qabteen.

Ammaanka xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacayo ayaa bilihii u danbeeyey ahaa mid aad u wanaagsan. Welina ma jiraan mas'uuliyiin labada maamul -ee Puntland iyo Gal-mudug - ka tirsan oo arimahan ka hadlay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya