Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Kulan wadatashi iyo isbarasho ah ayaa maanta dhexmaray wasiirradii hore ee xukuumaddii KMG ahayd iyo wasiirrada cusub iyadoo kulankan uu shir guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon.
Markii uu kulanku soo dhammaaday ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya iyo wasiikii hore ee warfaafhinta iyagoo xusay in kulanka uu ahaa mid ay labada dhinac ku kala dhegeysteen warbixinnno ayna isla garteen inay wadashaqeeyaan.
"Ujeeddada kulanka wuxuu ahaa mid ay wasiiradii hore iyo kuwa cusub ay isku baranayeen, waxaana looga hadlay wixii qabsoomay dhammaan qodobbadii looga hadlayna waa la isla gartay. Waana ku faraxsannahay kulanka aan la yeelanatay wasiirada cusub," ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya, Cabduqaadir Xuseen Jaahweyn.
Wasiirkii hore ee warfaafinta ayaa sheegay in kulankan uu muujinayo sida ay uga go'an tahay xukuumadda cusub inay howlihii horay loosoo qabtay halkoosa uga sii wadaan, isagoo sheegay inay ka go'an tahay inay la shaqeeyaan golaha wasiirrada cusub ayna ku biirinayaan waayo-aragnimadoodii shaqo.
Intaas kaddib waxaa isna saxaafadda la hadlay wasiirka wafaafinta xukuumadda cusub ee Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi isagoo sheegay in kulankan uu ahaa mid uu soo qabanqaabiyay ra'iisul wasaaraha ayna isku baraneyeen wasiirradii hore.
"Kulanka wuxuu ahaa mid isbarasho ah, sidoo kale ugu mahadcelinnay howshiis ay soo qabteen wasiirradii hore, taasoo aan dhihi karo waa midda sababtay in heerkan lasoo gaaro," ayuu yiri Ciilmooge oo intaas ku daray inay ka codsadeen wasiirradii hore inay la shaqeeyaan si waaya-aragnimadooda ugu biiriyaan.
Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta Soomaaliya wuxuu sheegay in howshu ay tahay mid qori isku dhiib ah; ayna u dhiibi doonaan qoriga xukuumadda ka dambeysa ee la soo magacaabo, isagoo xusay inay kasoo bixi doonaan howsha loo idmaday.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kulan Wadatashi ah oo dhex-maray Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirradii Xukuumaddii KMG ahayd
More News
- WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA JABUUTI: "Soomaaliya waxay u baahan tahay lacag fara badan oo dib loogu dhiso"
- Qaramada Midoobay oo sheegtay in Soomaali ay ka mid tahay meelaha ugu daran caalamka ee ay xaaladaha bani'aadnimo ka jiraan
- Haween ka socday Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Muqdisho loogu qabtay Dood-cilmiyeed ku saabsan Guurka
- Dagaal Siyaasadeed ka taagan ciddii Maamuli lahayd Gobollada Koonfurta Soomaaliya ee laga saaray Al-shabaab
- Ciidamada AMISOM oo Isbitaallo dadka lagu daweeyo ka furay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose
- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh iyo Qoyskiisa oo u Guuray dalka Uganda oo ay deggenaasho ka heleen
- Dowladda Masar oo sheegtay in ay taageeri doonto Shacabka Falastiin