Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh iyo Qoyskiisa oo u Guuray dalka Uganda oo ay deggenaasho ka heleen

Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa ayaa shalay oo Jimco ka guuray magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Uganda, halkaasoo degenaasho ay ka heleen.
Shariif Sheekh ayaa tan iyo markii looga guuleystay doorashadii madaxweyne ee ka dhacday Muqdisho kaddib 42-sano ayaa isaga iyo qoysaskiisa oo laba ah waxay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, inkastoo ay markiiba deggenaasho ka heleen dalka Uganda.
Xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo dad ay aad isugu dhow yihiin ayaa sii sagootiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo qoysaskiisa, iyadoo ay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka qaadeen laba diyaaradood oo gaar ah.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa xilka madaxnimo ku wareejiyay si nabad ah 10-kii bishii September ee sannadkan, kaddib markii uu doorashada uga adkaaday madaxweynaha xilligan; Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa in ka badan 20 murashax oo xilka madaxnimo ee dalka kula tartamayay Shariif Sheekh.
Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in madaxweynihii hore uu waxbarasho u aadi doono jaamacad ku taalla magaalada Boston ee dalka Mareykanka, halkaasoo sidoo kale uu ka jeedin doono khubad ku saabsan sidii uu hoggaanka ku qabtay iyo sidii uu xilka uga dagay.
Jaamacadda Boston ayaa waxay horay ugu marti-qaadday inay khudbado ka jeediyaan lix madaxweyne oo xilalka si dimuqraadiyad ah ku wareejiyay kaddib markii laga adkaaday, iyadoo madaxweyne Shariif uu noqonayo madaxweynihii toddobaad ee khudbad ka jeediya jaamacaddaas.
Shariif ayaa lagu wadaa inuu khudbad ku saabsan aasaaskii Maxkamadii Islaamka ee uu madaxda u ahaa iyo sidii uu hoggaanka dalka ku qabtay u jeediyo kumannaan arday ah oo ka qalin-jabiyay jaamacadda Boston.
Madaxweynihii hore ayaan la hadlin saxaafadda markii uu Muqdisho ka dhoofayay inkastoo uu gacmaha u lulay intii sagootisay markii uu ka dhoofayay Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu dib ugu soo laabanayo dalka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay balaayiin doollar si dib loogu dhiso, isagoo sheegay in lacagaha yaryar ee mar walba la sheego in loogu deeqay aysan waxba u tagayn Soomaaliya.
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Mark Bowden oo ah xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay maanta magaalada Nairobi ayaa sheegay in 2.5 milyan qof oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo.
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Kulan wadatashi iyo isbarasho ah ayaa maanta dhexmaray wasiirradii hore ee xukuumaddii KMG ahayd iyo wasiirrada cusub iyadoo kulankan uu shir guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon.
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Hay'adda Wadahadalka Bulshada ee CCD ayaa maanta dood-cilmiyeed looga hadlayay gabdhaha khasab lagu guursado Muqdisho ugu qabatay haween ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir. iyadoo lagu falanqeeyay doodda sidii looga hortagi lahaa in gabadha si khasab ah loogu guuriyo qof aysan raalli ka ahayn.
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Al-shabaab ka saaray deegaanno ay ku xoogganayd oo ku yaalla gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, laakiin hadda waxaa ka taagan deegaannadaas dagaal siyaasadeed ku aaddan ciddii maamuli lahayd.
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isbitaallo lagu daweeyo dadka xanuunsan ka furay deegaanno ku yaalla gobolka Shabeellada kuwaasoo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.
Sabti, November 17, 2012 (HOL) —Kadib booqasho uu ra’isul wasaaraha dalka Masar Hisham Qandal ku tagay magaalada Qasa ee dhulka Falastiin ayuu sheegay in dowladda Masar aysan indhaha ka daboolan doonin dhibaatada ka taagan halkaasi.
Somali News
11/17/2012 5:05 PM EST
Nairobi, Kenya - Kenyan President Mwai Kibaki hailed the installation of Somalia's new cabinet Friday and announced plans to revive a government-to-government committee on bilateral cooperation. Kibaki assured the people of Somalia of Kenya’s commitment at bilateral level and in concert with other well wishers to continue playing its role towards the realization of a peaceful, secure and prosperous Somalia, according to a statement from the Presidential Press Service here.
11/17/2012 10:56 AM EST
Africa Rising Documentary: Failure of Western Policies Towards Africa
11/17/2012 7:26 AM EST
Mogadishu – A three-day Round Table organized by UNPOS on how to streamline human rights due diligence policy to the support that the United Nations is offering to security entities was concluded in Somalia.
11/17/2012 7:03 AM EST
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) in cooperation with the International Federation of Journalists (IFJ) today concluded in Mogadishu a first -ever international safety training for Somali journalists in the country's capital city, Mogadishu.
11/17/2012 5:36 AM EST
Britain’s first Muslim cabinet minister has called on the Muslim community and other religious minorities to celebrate Christmas to help promote integration in the society.
11/17/2012 5:05 AM EST
This week, the ships of NATO’s counter piracy task force have been busy visiting local and regional mariners. Using their rigid hull inflatable boats, boarding teams from HNLMS Rotterdam, HDMS Iver Huitfeldt and USS Halyburton liaised with the dhows and skiffs to exchange information.
11/17/2012 4:04 AM EST
NAIROBI—Somali and African Union troops have made steady progress ousting al-Shabab militants from strongholds in Gedo and Juba, but now a political battle for control of newly liberated regions is posing a challenge for the country's recently established central government.