4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2012
Dowladda Masar oo sheegtay in ay taageeri doonto Shacabka Falastiin
Sabti, November 17, 2012 (HOL) —Kadib booqasho uu ra’isul wasaaraha dalka Masar Hisham Qandal ku tagay magaalada Qasa ee dhulka Falastiin ayuu sheegay in dowladda Masar aysan indhaha ka daboolan doonin dhibaatada ka taagan halkaasi.

Ra’isul wasaaraha ayaa ugu baaqay dowladda Israa’iil inay joojiso duqeymaha ay ka wado halkaasi, isagoona xusay in waxa uu arkay ay tahay masiibo aan laga aamusi karin.

Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Masar ay dadaal ku bixin doonto sidii loo hakin lahaa dagaallada iyo duqeymaha ba’an ee halkaasi ka jira.

Duqeymo ayaa lagu soo waramayaa in ay ku socdeen Qasa xilligii uu booqashada ku joogay ra’isul wasaaraha dalkaMasar, wallow dowladda Israa’iil ay ballan qaaday in ay xabad joojin sameyn doonto mudada uu boqashada ku joogo ra’isul wasaaraha Masar.

Dowladda Israa’iil ayaa dafirtay in ay fulisay weerarradii shalay lagu qaaday magaalada Qasa balse waxay sheegtay in 50 Gantaal ay uga soo dhaceen dhanka Qasa xilligii uu booqashada ku joogay ra’isul wasaaraha Masar.

Weerarrada sedexdii maalin ee ugu danbeeyay ay fulisay dowladda Israa’iil ayaa la sheegay in ay ku dhinteen in ka badan 28 qof oo reer Falastiin ah, kuwaasoo ay kamid ahaayeen dad rayid ah.

Gantaal maalintii khamiista laga tuuray dhanka Qasa ayaa la sheegay in sedex qof oo reer Israa’iil ah uu ku dilay magaalada Kiryat Malachi.

Ururka Xamaaz ayaa sidoo kale duqeymo ka geestay magaalada Tel-aviv ee dalka Israa’iil, waxaana dowladda Israa’iil ay daartay qalabka digniinta ka bixiya duqeymaha.

Booqashada ra’isul wasaaraha dalka Masar uu ku tagay magaalada Qasa ayaa kusoo beegmeysa xilli madaxweeynaha dalka Masar khudbad uu jimcadii Masaajid ku yaal magaalada Qaahira ka jeediyay uu ku sheegay in dowladiisu aysan daawan doonin dhibaatooyinka ka jira Marinka Qasa.

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda Tunisia ayaa isna la filayaa in maanta uu booqasho ku tago Marinka Qasa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya