Kumannaan Qoys oo ku barakacay dagaallada Gobolka Gedo ku dhaxmaraya DKMG ah, Itoobiya, Kenya iyo Al-shabaab

Khamiis, Maarso 15, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Gedo ee DKMG ah, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku barakaceen dagaallada u dhexeeya ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya iyo Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Kaliil ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay idaacadda Qarammada Midoobay ee IRIN, isagoo ku sugan gobolka Gedo oo dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

"Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa colaadda ka taagan gobolka ku barakacday 5,000 qof; horayna waxaa uga barakacay gobolka boqollaal qoys," ayuu yiri Kaliil oo intaas ku daray: "Waxaan isku daynay inaan u helno kaalo barakacayaasha balse weli kuma guuleysan."

Colaadda ayaa waxay ku qabsabtay dadkii ku noolaa gobolkaas deegaanno ka tirsan inay ka barakacaan oo ay aadaan deegaanno kale si ay uga nabad galaan colaadda, waxaana la sheegay in dadkaas ay u baahan yihiin cunno, hoy, biyo iyo caafimaad.

Dagaallada ka socda gobolka Gedo ayaa waxay jareen ganacsiyo badan oo gobolka uga tegi jiray Muqdisho iy magaalada Baydhabo, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Gedo, iyadoo ay colaadaha gobolka Gedo ku xirmeen ku dhawaad toban xarummo caafimaad ah.

Madaxa isbitaalka guud xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey, Aadan Cabdi Xaashi ayaa isaguna sheegay in qayb ka mid ah isbitaalka guud ee degmada uu ku gubtay dagaal ka dhacay degmadaas toddobaad ka hor. "Weerar ay Al-shabaab degmada kusoo qaadday ayaa sababay in madaafiicdii la is-dhaafsanayay ay sababaan dab qabsada qayb ka mid ah isbitaalka."

Isbitaallada ku yaalla degmooyinka gobolka ee weli shaqeynaya ayaa waxay ka cabanayaan dawo yaraan, iyadoo mas'uuliyiinta caafimaadka ee gobolka ay xuseen inay jirto dawo yari ba'an.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya