Al-shabaab oo dhallinyarada Kenya ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dagaalka ka dhanka ah Dowladdooda

Khamiis, Maarso 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo ay haystaan culeyso dhinaca milateriga ah ayaa waxay ugu baaqay dhallinyarada dalka Kenya inay ka qaybgalaan dagaalka ay kula jirto ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay sannadkii hore ka qortay dalka Kenya 500 oo dhallinyaro ah, kuwaasoo haatan qayb ka ah dagaalyahannadooda ku sugan Soomaaliya.

Ilo ammaan oo Kenyan ah ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay horumar ka sameysay dhexgalka dhallinyarada Kenya, iyadoo ka faa'iideysanaysa faqriga iyo fursado la'aanta shaqo ee haysata.

Guddoomiyaha golaha Qaranka ee Muslimiinta Kenya, Sheekh Juma Ngao ayaa ugu baaqay dhallinyarada muslimiinta ah ee Kenya inay ka qaybqaataan dhismaha dalkooda intii ay la dagalaami lahaayeen xukuumaddooda.

"Si adag ayaan uga soo horjeedaa baaqa Al-shabaab ay ugu yeerayso dhallinyarada Kenya ee ku aaddan inay iyaga ku biiraan oo ay la dagaalamaan xukuumaddooda," ayuu yiri Sheekh Juma isagoo intaas ku daray: "Gabi ahaan waa mid aan meesha ku jirin arrinta ku saabsan in dhallinyarada Muslimiinta Kenya aysan waxba baran ayna la dagaalamaan dowladooda. Sidee dowladdooda ula dagalaamayaan oo ay u dilayana dad aan waxba galabsan."

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay lixdii bilood ee lasoo dhaafay qaraxyo bambo oo dilay dad badan kuwo kalena dhaawacyo u geystay; waxayna dowladda Kenya ku eedeysay weerarradaas Al-shabaab.

Sheekh Ngao ayaa ugu baaqay dhallinyarada Kenya inay ka qaybqaataan howlaha uu macaashku ugu jiro, intii ay ka qaybqaadan lahaayeen colaadaha iyo dilka dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

"Soomaaliya kama jiro jihaad, sida aan xog-ogaalka u nahay dagaalka ka socda Soomaaliya waa mid siyaasadeed oo u dhexeeya Soomaalida, dagaalkaas beelaha u dhexeeya ayay ku sifeynayaan qaarkood jihaad, meesha kuma jirto in Soomaaliya uu ka jiro jihaad," ayuu Sheekh Juma hadalkisa raaciyay.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhawaan waxay u magacowday hoggaamiyaha dagaal ee Kenya Axmed Iimaan Cali oo kasoo jeeda dalka Kenya, iyadoo ku boorrisay dadka Kenyanka ah inay dagaallada ka qaybgalaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya