Xildhibaanno kasoo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose oo taageeray maamul goboleedka Banaadir State

Khamiis, Maarso 15, 2012 (HOL) — Xildhibaanno kasoo jeeda gobolka Shabeellada hoose oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa taageeray maamul goboleedka Banaadir State oo dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho, iyadoo xildhibaannadan ay ku tilmaameen maamulkan mid ay dhisteen shacabka ku nool gobollada uu matalo.

Kulankan taageerada ah oo ka dhacay Hotel Raage ee Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay 39-mudane oo kasoo jeeda gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo la hadlay saxaafadda markii uu kulanka soo dhammaaday.

"Waxaan taageersannahay maamulka Banaadir State, waxaana dhismihiisa uu ahaa mid soo socoday muddo sannad ka badan. Dadka gobollada Banaadir, Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe ayaa maamulkan sameystay," ayuu yiri xildhibaan Cumar Cabdi Abuukar oo wariyeyaasha la hadlay kulanka kaddib.

Sidoo kale, xidhibaan Cali Cabdi wuxuu sheegay in xidlhibaannada kasoo jeeda gobolka Shabeellada hoose aysan tegin gobolkaas muddo dheer, haddana ay iyagu diyaar u yihiin inay wax u qabtaan dadka ku nool gobolka, iyagoo kaashanaya maamulka Banaadir State.

Xidhibaan Cali Xasan Macallin oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu maamul goboleedka Banaadir State yahay mid waafaqsan xeerka dowladda KMG ah oo ah in laba gobol iyo wixii ka badan ay noqon karaan maamul goboleed, sidaa daraadeedna uu maamulkani ka kooban yahay saddex gobol.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay waxgarad kasoo jeeda gobolka Shabeellada hoose, iyagoo soo dhaweeyay maamulka cusub ee Banaadir State, iyadoo dowladda KMG ah ay maamulkan kasoo horjeesatay.

Ugu dambeyn, mudanayaasha taageeray maamul goboleedkan ayaa waxay sidoo kale la hadleen diidmada dowladda ee ku wajahan maamulkan, waxayna sheegeen inay tahay mid dano gaar ah laga leeyahay, balse maamulkan uu buuxiyay shuruudihii loo baahnaa oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya