Hay'adda ayaa lagu eedeeyay inay dawooyin dhacay siisay caruur Soomaaliyeed, sidoo kalena ay musuqmaasuqdo gargaarka ay ka bixinayso goobaha ay ka taliso Xarakada Al-shabaab oo dhawaan ku biirtay Al-Qaacida.
"Xarakada Al-shabaab waxaa saaran inay koontaroolaan wax walba oo shacabka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed la siinayo, taasoo ah mid ay ku difaacayso," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab ee lagu mamnuucay hay'adda badbaada caruurta.
Howlaha ay hay'adda Save the Children ka qabato Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah caafimaadka, iyadoo ka sameysay goobo lagu daweeyo caruurta ay hayso nafaqo-darrada, qodidda ceelal biyoodyada iyo dhismaha iskuullada ay caruurtu wax ku bartaan.
Bishii Jannaayo ee sannadkan ayay Xarakada Al-shabaab waxay ka mamnuucday inay ka shaqeyso gobollada ay ka taliso hay'adda laanqeyrta cas ee ICRC, kaddib markii ay ku eedeysay inay dadweynaha gobolladaas ku nool u qaybiyeen raashin dhacay.
Xarakada Al-shabaab oo ka talisa dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamah Soomaaliya ayaa waxay sidoo kale bishii November ee sannadkii hore ka mamnuucday gobollada ay ka taliso 16-hay'adood oo kuwa gargaarka ah, kuwaas oo ay ku eedeysay musuqmaasuq iyo inay kasoo horjeedaan maamulladooda.
Weli wax war ah oo ku saabsan arrintan kama soo bixin hay'adda Save the Children oo xaryiraadda lagu soo rogay, iyadoo hay'adda MSF oo keliya la rumeysan yahay inay ku hartay ka shaqeynta gobollada ay Al-shabaab ka taliso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya