Gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya ayaa wuxuu qayb ka yahay afar qaybood oo loo qaybiyay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya si ay uga howlgasho AMISOM markii ugu horreysay muddo shan sano ah oo ay Soomaaliya ku sugan yihiin.
"Baladweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan waxaa ka howlgalaya ciidamada Jabuuti ee kusoo biiray AMISOM, waxaana hoggaaminaya sarkaal Jabuutiyaan ah oo ay la shaqeynayaan laba sarkaal oo Uganda iyo Burundi u dhashay," ayuu yiri taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Around Nyakairima.
Ciidamada Itoobiya ee hadda gacanta ku haya Baladweyne ayaa la sheegay inay dib ugu laabanayaan soohdinta dalkooda markii la bedelo, isagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay howlgalkooda oo ay ku ballaarinayaan Soomaaliya.
Haddii ay suurogasho in ciidamada Jabuuti la geeyo Baladweyne ayaa waxay tani ka dhigaysaa markii ugu horreysay oo ay ciidamadaas ka howlgalaan Soomaaliya tan iyo markii ay ka mid noqdeen ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM.
Dhanka kale, Jen. Nyakairima wuxuu sheegay in ciidammo ka socda dalka Sierra Leone ay ka mid noqonayaan kuwa AMISOM ee ka howlgalaya gobollada Jubbooyinka iyagoo wehlin doona ciidamada Kenya ee halkaas ku sugan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya