4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2012
Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo kulan ay Addis Ababa ku yeesheen uga hadlay Arrimaha Soomaaliya

Arbaco, Maarso 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo safar ku jooga Itoobiya ayaa xalay kulan la yeeshay ra'iisul wasaaraha dalkaas, Meles Zenawi, iyagoo kawada hadlay xaaladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobollada Hiiraan iyo Bay, kuwaasoo gacan ku siinaya DKMG ah sidii ay uga qabsan lahaayeen gobolladaas Xarakada Al-shabaab.

Madaxa warfaafinta ee xafiiska madaxweynaha Sudaal F. Seed oo Addis Ababa ku sugan ayaa sheegay in kulanka looga hadlay iskaashiga labada dal, sidii ay qayb uga qaadan lahayd Itoobiya dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo sidii labada dal ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda.

"Qodobbada looga hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa sidii ay Itoobiya gacan uga siin lahayd DKMG ah dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo sidii ay mashaariicda koronto ee ay bixiso Itoobiya uga faa'iideysan lahayd Soomaaliya," ayuu yiri Suldaan oo la hadlayay warbaahinta.

Booqashada madaxaweynaha Soomaaliya uu ku tagay Addis Ababa oo ah mid hal maalin ah ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xukuumadda Itoobiya ay sheegtay inay ciidamadeeda ku sugan Baydhabo iyo Baladweyne la baxayso bisha Abriil ee sannadkan.

Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu sannadihii 2006 illaa 2008 ahaa cadowga dowladda Itoobiya isagoo dagaallo kula jiray ciidamadii Itoobiya ee xilligaas ku sugnaa xarunta Soomaaliya ee Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood, balse maanta waa saaxiibka Itoobiya.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan kumannaan ciidammo Afrikaan ah kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa Itoobiya iyo Kenya oo dowladda KMG ah ee Soomaaliya ka caawinaya dagaallada ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo madaxweyne Shariif uu isku dayayo inay ciidamadaas sii joogaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya