4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Madaxweynaha Puntland oo ku taliyay in lasoo doorto hoggaamiyeyaal Soomaaliya ka bixin kara dhibaatada ay ku jirto

Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Max'ed Faroole ayaa soo dhaweeyey go’aamadii kasoo baxay shirkii madaxda Soomaalidu ugu soo dhammaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ku taliyay in dalka loo doorto hoggaamiyeyaal samatabixin kara.

C/raxmaan Faroole oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay inuu ku faxsan yahay go'aannadii kasoo baxay shirkii kusoo dhamaaday Nairobi, wuxuuna sheegay inuu rajo weyn ka qabo in go'aannadaas ay u fuli karaan sidii loogu talogalay.

"Waxaan rajeynayaa in go'aannadii kasoo baxay shirkaas loo fulinayo sida ay yihiin, waxaana aaminsanahay in dadka meesha isugu yimid cid walba ay qaadi karto mas’uuliyadda ay ummadda u hayso," ayuu yiri madaxweyne Faroole.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in laga fiirsado siyaasiyiinta xil-doonka ah maadaama ay muhiim tahay in la helo dad dalka dhibtada uu ku jiro ka bixin kara.

Odayaasha dhaqaanka ee soo xulaya ergada ansixinaysa dastuurka isla markaana soo xulaya xildhibaannada cusub ayuu ugu baaqay inay ka fiirsadaan dadka ay soo xulayaan isagoo ku baaqay inay keeaan madax u dhiganta kuwii xiligii xoriyadda.

"Waa in aysan dadka xil doonka ahi si xun wax ku raadin, waayo meeshu ma ahan meel loo shaqo doonto, xamaalina ma ahan, waxaa la doonayaa dad xilkaas u qaadi kara Soomaaliya," ayuu Faroole mar kale yiri isagoo hadalkiisa daba-dhigay: "Waa in odayaasha dhaqanku ay soo xulaan dad ka saari kara dalka caqabadda uu maanta ku jiro."

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkiisa kusoo beegay iyadoo shalay oo Jimco ahayd lagu soo gabgabeeyay shir ay saxiixayaasha Roadmap-ka uga socday Nairobi muddo saddex maalmood, kaasoo intiisa badan looga hadlay dastuurka dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya