3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi oo ka digtay Weerarro Qaraxyo ah oo ka dhaca Magaalada Mombassa

Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa maanta oo Sabti ah ka digtay weerarro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalo xeebeedda Mombassa ee dalka Kenya oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas.

Muwaadintiinta Mareykanka ah ee ku sugan Mombassa ayaa loogu baaqay inay ka soo baxaan magaladaas, ayna howlahooda hakad geliyaan inta laga gaarayo kowda bisha July ee soo socota.

"Tani waa digniin ku socota dhamaan shacabka Mareykanka ah ee ku nool Kenya si ay uga soo baxaan magaaladaas, waayo safaaradda Mareykanka ee Nairobi waxay heshay warbixinno ku saabsan in Mombassa ay ka dhici karaan weerarro argagaxiso," ayaa lagu yiri warbixinta safaaraddu soo saartay.

Digniintan ayaa imaanaysa kaddib markii ciidamada booliiska Kenya ay sheegeen in laba qof oo Iiraan u dhashay ay qabteen, kuwaasoo qorsheynayay qaraxyo ay ka geystaan magaalooyinka Mombassa iyo Nairobi.

"Waxaan qabanay laba ruux oo laga shakisan yahay, waxayna doonayeen inay ka geystaan qaraxyo argagaxiso dalkan," ayuu yiri taliyaha booliiska Mombassa, Aggrey Adoli. Isagoo hadalkiisa ku daray: "Waxay na tuseen kiimiko la rumeysan yahay inay u isticmaali lahaayeen qaraxyada."

Mid ka mid ah labadan ruux waxaa lagu qabtay magaalada Mombassa, halka midka kalena lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Balse ma jiro hadal arrintan ku saabsan oo kasoo baxay dowladda Iiraan.

Tan iyo markii ay Kenya ciidammo fara badan u digtay dalka Soomaaliya sannadkii hore waxaa ka dhacayay qaraxyo isdaba-joog ah oo khasaarooyin kala duwan ay kasoo gaartay dad shacab ah iyo ciidamada dalkaas.

Sannadkii 1998-kii ayaa qaraxyo culus loo geystay safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay magaalooyinka Nairobi-Kenya iyo Daaru-salaam-Tanzania, kuwaasoo ay ku dhinteen boqolaal qof oo isugu jiray shaqaalihii safaaradaha iyo dad kale oo ka dhawaan halkaas.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore ku hanjabtay inay dalka Kenya ka geysan doono qaraxyo ay ugu aar-gudayso dadka Soomaaliyeed ee ciidamada Kenay ay ku laynayaan gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/23/2012 5:10 PM EST
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayey xisbiga Tayo iyo Musharaxnimada xoghayaha xisbiga Tayo oo lagu wado inuu isu taago doorashada madaxweynenimada ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay Birmingham ee dalka Ingariiska.

6/23/2012 9:37 AM EST
Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya lagu qabtey, munaasabdii labaad ee xaflad loogu magac darey (Easleigh Peace Festival).

6/23/2012 8:33 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Max'ed Faroole ayaa soo dhaweeyey go’aamadii kasoo baxay shirkii madaxda Soomaalidu ugu soo dhammaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ku taliyay in dalka loo doorto hoggaamiyeyaal samatabixin kara.

6/23/2012 8:19 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Dadka reer Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Natiijaddii ka soo baxay wada hadalkii Somaliland iyo Somalia dhexmaray, iyagoo intoo badani qalbi furan ku soo dhoweeyey qodobaddaasi ka soo baxay shirkaasi.

6/23/2012 8:01 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho oo ah xarunta Soomaaliya oo ay sannado badan ka socdeen dagaallo sokeeye ayaa waxaa ka socda dib u dhis iyo ganacsiga oo xoogeysanaya, iyadoo magaalada ay maalin walba soo gaaran dad kasoo laabanaya qurbaha.

6/23/2012 7:07 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Ciidamada maamulka Xarakada Al-shabaab ee degmada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay nin gacan ku dhiigle ah kaasoo toori ku dilay nin kale.

6/23/2012 7:04 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Maamulka Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa ka deyriyay xaaladda ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo danyar ah, kuwaasoo degan magaalada Afmadow.

6/23/2012 4:01 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Afhayeenkii hore ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur) oo ka mid ah toddoba hoggaamiye oo Al-shabaab ka tirsan oo Mareynkanku uu madaxooda saaray madaxfurasho lacageed oo gaaraysa 33-milyan oo doollar ayaa sheegay inuusan ka baqayn Mareykanka uuna sii wadayo dagaalka uu kula jiro cadowga Islaamka.

6/23/2012 3:45 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ciidamadeedu kusii sugnaanayaan Soomaaliya inta laga meel-marinayo dastuurka lagana dhisayo ciidammo milateri ah oo iska difaaci kara weerarrada kaga imaanaya Al-shabaab.

6/23/2012 3:43 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee ka arimiya qeybo katirsan gobollada Jubooyinka ayaa hakad geliyay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka dhexeeyay Degmada Kismaayo iyo Deegaanada Galbeed ee gobolka Jubada Hoose ee ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya.

6/23/2012 3:28 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ayaa ku dhintay qarax iyo tacshiirad xigtay oo saakay aroortii hore ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Bayoo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG Soomaaliya iyo kuwa garabka siinaya ee Itoobiya.

6/23/2012 3:19 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo AMSIOM ayaa sheegtay inay shalay la wareegeen dekedda garoonka diyaaradaha Cisalleey iyo dekedda macmalka ah ee Ceel-macaan oo ku yaalla duleedka Muqdisho.