4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 22, 2012
Siyaasiga Jaamac Cali Jaamac oo musharaxnimadiisa Madaxweynenimo uga dhawaaqay Sweden


Jimco, June 22, 2012(HOL): Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden ayaa waxaa xalay  lagu qabtay xaflad lagu shaacinayay musharaxnimada madaxweynenimo ee siyaasiga Jaamac Cali Jaamac. Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka qeybgaley xubno matala qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo-madaxda dalka Sweden ee Stockholm. 

Inkasta uu Jaamac Cali uu yahay siyaasi si aad ah looga yaqaan nolosha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, misana madashii xalay ayuu ku daah furey hanka uu u leeyahay in uu isu taago hoggaanka dowladda Soomaaliya. Waxaa arrintaas soo dhoweeyey dhammaan waxgaradkii ka soo qeybgalay xafladda.

Billowgii xafladda ayaa waxaa lagu soo bandhigay taariikh nololeedkii Jaamac Cali Jaamac, iyadoo la xusay  in Jaamac Cali Jaamac aysan jirin dhibaato guud oo uu dalka ka geystay iyo mid uu cid gaar ah u geystay, bal isaga xabsi la dhigay kaddib markii ay iska horyimaadeen dowladdii hore ee mileteriga ahayd.


Xafladdaan oo ahayd mid uu Musharrax Jaamac Cali  Jaamac ku soo bandhigayay qorshihiisa musharaxnimo ayuu halkaas wuxuu ku soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed iyo tallaabooyinka uu ugu hor qaadaayo. Ololihiisa siyaasadeed ayuu sheegay in uu halhays u yahay Iswaafajinta dal hodan ah iyo dad sabool ah. Wuxuu kaloo ka dhawaajiyay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta u baahan yihiin nabadgelyo iyo hoggaan caadil ah.

Wuxuu dhaliilay bulshada saboolka ah oo siyaasigeedii la ilaalinayo, markuu dhoofaayo loo bannaan baxaayo, dibad iyo gudo ka dhisanaya aqallo waaweyn. Wuxuu sheegay, haddii uu doorashada ku guuleysto, in uu doonaayo isaga iyo kuwa la shaqeyn doona in la xisaabiyo hantida ay leeyihiin, si loo ogaado wixii dheeri ah oo soo galo.

Jaamac wuxuu u muuqdey nin ay u caddahay in qof keliya uusan hoggaamin karin bulsho weyn. Siyaasadda ceynkaasna ay tahay midda keligi taliska. Wuxuu muujiyay in loo baahan yahay dad koox ah ama xisbi ah oo isku baheysta sidii ay u badbaadin lahaayeen dalkooda. Mana jirto ayuu yiri cid ka danbeysa musharaxnimadiisa, cidda uu taageerada ka doonaayana in uu yahay Rabbi (SW).


Wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay 1. Hoggaan wanaagsan 2. Dib u heshiisiin 3.Taladii Soomaaliyeed in gacanta ummadda lagu soo celiyo 4. Kobcinta dhaqaalaha iyadoo maanka lagu hayo in loo qidmeynayo (Dal hodan oo Dadkiisu sabool yahay).

Gunaanadkii xafladda wuxuu Allaah ka baryay in uu ummadda Soomaaliyeed ku garab galo doorashada soo socota in uu waafajiyo shakhsi u horseeda nabad iyo horumar, islamarkaasna walaaleeya shacabka. Dabadeed waxaa la furey su’aalo la weydiinayo musharaxa martida ah. Jawaabihii uu bixiyay waxay ahaayeen kuwo laga dhadhansan karo oo weliba laga fahmi karo aqoonta siyaasadeed iyo bisaylka wadaninimo ee uu Jaamac leeyahay.