3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 22, 2012
Xarakada Al-shabaab oo sheegatay inay Weerar gaadmo ah ku dishay Taliyihii Ciidamada DKMG ah ee Ceelasha Biyaha

Jimco, June 22, 2012 (HOL) — War ay Xarakada Al-shabaab soo saartay saacado ka hor ayay ku sheegtay in weerar gaadmo ah oo ka dhacay Ceelasha biyaha ay ku dileen taliyihii ciidamada dowladda KMG ah ee deegaanka Ceelasha biyaha, Afrax Cali Afrax.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegtay in taliyaha lala dilay dhowr askari oo la socday, dilkiisana uu dhacay xilli uu u gurmanayay gaadiid ay ciidamada DKMG ah oo lagu gubay meel ku dhow halka lagu dilay.

"Taliyaha waxaa lala dilay dhowr askari oo la socday, waxaana maydkiisa gacanta ku haya xoogagga Al-shabaab ee furliyay dilkiisa," ayuu yiri afhayeen u hadlay Al-shabaab oo sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay qorshayaal ay kaga horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku saabsan dilka sarkaalkan, balse wuxuu imaanayaa iyadoo muddo hal bil ah ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM gacanta ku hayaan deegaannada loo barakacay ee Muqdisho iyo Afgooye u dhexeeya.

Dhanka kale, saraakiisha u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in isla deegaanka Ceelasha biyaha ay ku gubeen gaadiid ay wateen ciidamada dowladda KMG ah, iyagoo sheegay inay ku dhinteen ciidamadii la socday gaadiidkaas.

Inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa horay loogu weeraray gaadiid uu watay madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka yimid booqasho uu ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/22/2012 2:47 PM EST
Jimco, June 22, 2012(HOL): Xaflad si heer sare ah loo soo agaamisay isla markaana lagu caleemo saarayay Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland Caaqil Cali Maxamed Ibraahim “Cali Iraaqi” ayaa maanta ka dhacday Hall-ka City Center Hotel ee magaalada Hargeysa.

6/22/2012 1:07 PM EST
Jimco, June 22, 2012 (HOL) - Saxiixayaasha Roadmapka oo kala ah, Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Wakiilka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf ayaa shir ugu dhammaaday magaalada Nairobi.

6/22/2012 8:29 AM EST
Jimco, June 22, 2012(HOL): Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden ayaa waxaa xalay lagu qabtay xaflad lagu shaacinayay musharaxnimada madaxweynenimo ee siyaasiga Jaamac Cali Jaamac.

6/22/2012 4:58 AM EST
Jimco, June 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee dalka Soomaaliya, kaddib kulan uu xalay kula yeeshay Nairobi Somaalida halkaas ku nool, isagoo rajo ka muujiyay inuu xilka madaxnimo ee Soomaaliya ku guuleysan karo.

6/22/2012 4:52 AM EST
Jimco, June 22, 2012 (HOL) — Qaar ka mid ah ehellada lamaanayaashii afuubka loogu haystay Soomaaliya muddada labada sano ku dhow ee shalay lasii daayay ayaa sheegay inay bixiyeen lacago madaxfurasho ah.

6/22/2012 4:51 AM EST
Jimco, June 22, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaal ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho oo gacanta ay ku hayaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.