4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2012
Mareykanka oo sheegay inay xayiraad saarayaan ciddii ka hor-timaadda heshiiska Roadmap-ka iyo Dastuurka

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Xukuumadda Mareykanka ayaa ku hanjabtay inay ku soo rogayso xayiraaddo ay ka mid yihiin kuwa safarrada iyo dhaqaalaha cid walba oo ka hortimaadda fulinta heshiiska Roadmap-ka, dastuurka cusub iyo weliba in madaxweyne la doorto.

Kaaliyaha xogyahaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Johnnie Carson ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Nairobi, kaddib safar uu shalay ku tagay Muqdisho, kaasoo uu kula kulmay madaxda DKMG ah iyo odayaasha-dhaqanka.

"Xayiraadaha waxaa la saari doonaa cid walba oo qas-wade ah, kana hortimaadda howlaha looga gudbayo xilliga KMG ah ee Soomaaliya. Waxaana jiri doona heerar ay kala yeelan doonto xayiraaddan," ayuu yiri Carson.

Sidoo kale, Carson wuxuu sheegay in tallaabadan ay tahay mid la saari karo xubno dowladda ka tirsan iyo kuwo dibadda ka ah, isagoo sheegay in tani ay tahay mid looga hortagayo in la carqaladeeyo geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya wuxuu xilligeeda ku eg-yahay bisha Ogoosto ee soo socota, waxaana dadaallada socda lagu tilmaami karaa kuwii ugu xoogga badnaa ee la isugu dadayo in dowladnimadii Soomaaliya dib loogu soo celiyo muddo 21-sano ka badan.

Booqashada Carson uu Muqdisho ku tagay oo madaxda dowladda ay ku sheegeen inay tahay muhiimad gaar ah leh, ayaa wuxuu kula kulmay madaxweynaha Somalia, Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali, isagoo sidoo kale kulam muddo kooban socday la yeeshay xubno ka socday odayaasha dhaqanka.

"Dhab ahaan waxaan Muqdisho kusoo arkay ammaan, waxaana taas sabab u ahaa dadaalladii ay sameeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah oo dagaal la galay Al-shabaab," ayuu yiri Carson.

Mar la weydiiyay Johnnie Carson in Mareykanka uu dib uga furayo safaaraddiisii Muqdisho ayuu sheegay inay xaaladda iyo isbedellad qiimeynayaan ka hor inta aysan qaadan go'aan buuxa.

Dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Itoobiya, Jabuuti iyo Suudaan ayaa horay uga furay safaaradahooda Muqdisho, kuwaasoo si caadi ah u shaqeeya, wuxuuna Carson ku tilmaamay tallaabadaas mid lagu farxo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya