Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda Qaramada Midoobay uuna horkacayo wakiilka UN-ka ee arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaasoo uu kulammo kula leeyahay madaxda Puntland.
Kulamadan ayaa la sheegay in looga hadlayo howlaha Roadmap-ka oo ay ka mid yihiin xulida ergada ansixinta dastuurka, iyadoo saxaafada loo diiday inay goobjoog ka ahaato kulamadan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland.
Wariyeyaal ku sugan Garoowe ayaa sheegaya in loo sheegay in marka ay kulamadu dhamaadaan ay si wadajir ah ula hadli doonaan warbaahinta madaxda Puntland iyo wafdiga uu horkacayo dajire Mahiga.
Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in danjire Mahiga iyo xubnaha safarkiisa ku wehlinaya ay la kulmi doonaan waxgaradka Puntland, kuwaasoo ay kala hadli doonaan arimaha ku saabsan ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.
Maamulka Puntland ayaa wuxuu qayb ka yahay dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo madaxweynahoodu uu ka mid yahay saxiixayaasha Roadmap-ka oo ah qorshe la doonayo in Soomaaliya looga saaro xiliga KMG ah.
Lama oga inta maalmood ee uu qaadan doono socdaalka wafdigan oo uu horkacayo danjire Mahiga uu qaadan doono, iyadoo wararku ay sheegayaan in kulamada ay u tageen Punland ay noqon kuwo maanta ku eg.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Wafdi uu hoggaamnayo Augustine Mahiga oo gaaray Magaalada Garoowe kulammana la leh Madaxda iyo Waxgaradka Puntland
More News
- Madaxweyne Siilaanyo oo maanta salaaddii Jimce kula tukaday dadweynaha masaajid ku yaalla magaaladda Hargeysa, iyadoo wax ilaalo ahi la socon
- Kulan ay ka qeyb galeen Marwada Ra'iisul Wasaaraha, Xildhibaano, Haween iyo Fanaaniinta Qeyla Dhaan oo Muqdisho ka dhacay
- Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo howgallo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay degmada Balcad
- AMISOM oo sheegtay in raashin gargaar ah oo la dhacay ay ka heshay saldhig ay Al-shabaab ku lahayd Laanta-buuro
- Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in dib u dhicii ku yimid shirkii Ansixinta Dastuurka ay sabab u tahay kala aragti duwanaan jirta
- Dabley hubeysan oo saraakiil ka tirsan Booliiska Kenya ku toogtay Deegaan ku dhow degmada Mandheera ee dalka Kenya