4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2012
Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo howgallo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay degmada Balcad
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta howgallo lagu soo qabqabtay dad iyo hub ka sameeyay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Taliyaha hay'adda nabadsugidda DKMG ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan degmada Balcad ayaa sheegay in howgalkan uu billowday saakay aroortii hore ayna kusoo qabqabteen dad looga shakisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin iyo hub kala duwan.

"Howgalkan waxaa ka qaybqaadanaya ciidamada nabadsugidda, milateriga iyo booliiska oo shalay gallinkii dambe la gaarsiiyay degmadaas, waxaana dadka iyo hubka lagu soo qabto la geyn doonaa Muqdisho," ayuu yiri Axmed Fiqi.

Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe ayay ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya kuwa AMISOM waxay howgal ciidan kula wareegeen 26-kii bishii hore ee Juun, kaddib sanado ay ka talinaysay Al-shabaab.

"Xaafadaha degmada Balcad waxaa weli ka socda howgal lagu sugayo ammaanka, waxaana la baarayaa dhamaan guryaha ku yaala degmada," ayuu yiri Fiqi oo intaas ku daray in shacabka degmada ku nool ay gacan siinayaan ciidamada dowlada.

Howgalkan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ka sameeyaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo ka mid ah degmooyinka ka baxsan Muqdisho ee laga qabsaday Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya